-
Published On: Sat, Apr 24th, 2010

Xukunka Lagu Riday Kooxdii Fulisay Shirqoolka Hawlgalkii Lagu Dilay Taliyahii Qaybta 12aad Iyo Su’aasha Rayalcaamka Bulshadu Jawaabteeda Sugayaan

Smiley face
Share This
Tags

Maxkamadda gobolka Saaxil  ayaa xukuno kala duwan ku riday  13 April 2010, sagaal qof oo ku Eedaysnaa  shirqoolkii  Taliyahii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Col, Cismaan Yuusuf Nuur oo lagu dilay qarax  nooca Rimuutka lagu maamulo oo lala beegsaday  gaadhigiisa 1 Nov 2009,  isagoo marayay badhtamaha magaalada Laascaanood. Inkasta oo kiiskaa loo qabtay dad lagu qiyaasay Afartaneeyo qof, balse waxa dareenka rayalcaamka bulshada oo si weyn uga murugooday shirqoolkaa la yaab iyo wax aan la liqi Karin ku noqotay markii raadkii baadhista halkaa laga waday maalin ka dib Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool Albaabka uga galay, kaas oo xabsiga loo taxaabay.

Arrintaa ayaa ahayd mid si weyn u xoojisay tuhunadii iyo dareenada qaybo badan oo tirsan bulshadu ku saadaalinayeen suurtagalnimada  in aanay  masuuliyiin ka tirsan xukuumada Madaxweyne Riyaale sinaba uga badbaadi Karin ku lug lahaanshaha shirqoolkaa.  Hase yeeshee marxalado kala duwan iyo jiitan mararka qaar shaki iyo isku dhac ka abuuri gaadhay ciidamada qaranka ee jiida hore iyo qaar ka mid ah wasiirada xukuumada Madaxweyne Rayaale ayaa ku khasbay inay Wasiiradda Arimaha Gudaha, Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranku  shir jaarid oo ay 15 Dec 2010  wada jir ugu qabteen Magaalada  Hargeysa, ka dib socdaal hawlahaa la xidhiidha oo ay kaga soo laabteen gobolka sool ku sheegeen inay baadhista kiiska dilka Taliyahu gebagebo tahay, isla markaana sida ugu dhaqsaha badan Maxkamad loo horkeeni doono, iyagoo xusay in la hayo cadaymo iyo qiraal uu bixiyay Taliyaha Sirdoonka Sool  oo ka mida ah 17 qof oo ay shirkooda jaraa’id ku sheegeen in loo hayo  oo aanay xukuumad ahaan wax naxariis ah u gelayn, wixii ay sharciga ka helaan mooyee, isla markaana balanqaaday in dhegeysiga dacwadaa albaabada loo furi doono.

Inkasta oo kiiskaa xukuumadu balan qaaday in dhegaysigiisa albaabada loo furi doono, hadana may suurta gelin inay saxaafada iyo  qaar badan oo ka mid ah Bulshada oo danaynayay dhegaystaan, maadaama dacwada dhegeysigeeda laga bilaabay hool ku yaala xabsiga Magaalada Mandheera gudihiisa oo qiyaastii 90 Km kaga beegan magaalada Hargeysa dhinaca Bariga.

Hase yeeshee markii lasoo gebagebeeyay dhegeysiga dacwadaa  oo   mudo todobaadyo ah ka socotay halkaa, waxa  soo baxay qaraarka go,aanka maxkamadda ee ku taariikhaysnaa 13 April, 2010, kaas oo sida garsooraha dacwada qaadayay sheegay in toban qof oo ku eedaysnaa kiiskaa oo sagaal ka mid ah la horkeenay Maxkmadda saddex ka mid ah  oo uu ku jiro eedaysanihii  koowaad Taliyihii  sirdoonka gobolka Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf,  Maxamed Axmed Abgaalow oo dareewalkiisa  ahaa  iyo Cabdirashiid Yuusuf Buraale  oo isagu ahaa maqane  aan Maxkamadda la horkeenin lagu xukumay dil toogasho ah,

Sidoo kale Maxkamaddu waxay  saddex eedaysane  oo kale  ku riday xukuno kala duwan, iyadoo  Cabiqaadir Cabdi Xasan  15 sanno (shan iyo toban sannadood)  oo xabsi ah ku xukuntay,  Eedaysane Maxamed Jaamac Ducaalle oo lagu xukumay 8 sanno (siddeed sannadood). Cabdirashiid Axmed Warsamme (Faroole) ayaa isaga lagu xukumay 1 (sanno)  oo xadhig ah.

Waxyna Maxkamaddu sii deysay  Afar ka mid ah eedaysnayaasha. Ka dib markii waxba lagu cadayn kari waayay sida uu garsooruhu ku sheegay  go’aankiisa. Laakiin  Afartaa qof oo u dhashay dalalka Ithopia iyo Eretria  Maxkamaddu  waxay xukuntay in dalka laga masaafuriyo.

Maadaama tan iyo bilawgii dhacdada shirqoolka ahayd ee lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka qaranka rayalcaamka bulshadu inadhaha ku hayeen kiiskaa. Sida Maxkamaddu xukunkeeda ku sheegtay waxay  dhegeysatay in ka badan labaatan markhaati, iyadoo  go’aankeeda  ku cadaysay in hawlgalka lagu dilay Sarkaalka Ciidanka qaranku ahaa shirqool, kooxda ay xukunada kala duwan ku ridayna ahaayeen kuwii  fuliyay. iyadoo ay jireen dareeno xanbaarsan tuhun oo lagu saadaalinayay sida ay suurtagal u noqon karto in lasoo bandhigo gebi ahaanba meelaha raadka baadhista kiisaa shirqoolka ahi galo, taas oo doodaha qaybo badan rayalcaamka Bulshadu rumaysnaayeen in haddii baadhistu noqoto mid si dhab ah loo waajaho raadadkeedu geli karaan saraakiil kale oo xukuumada ka tirsan iyo shaqsiyaad xidhiidh dhow la leh, maadaama uu kiisku Albaabka uga galay masuulkii hay’ada Sirdoonka qaranka ee gobolka Sool, balse doodaha iyo falanqaynta la xidhiidha dilkaa ayaa ahaa kuwo jawaabtooda lala sugayay  go’aanka Maxkamadda si aan looga hordhicin.

Laakiin markii ay Maxkamaddu ku dhawaaqday go’aankeeda waxa durbadiiba soo baxay  doodihii  iyo falanqayntii  ku saabsanaa kiiskaa, iyadoo  go’aanka xukunka  ah  ee Maxkamaddu ku dhawaaqday kasoo  dhexbaxeen su’aalo iyo doodo hor leh.  Ka dib markii go’aanka xukunka Maxkamadda laga waayay cida ka danbaysay shirqoolkaa, haddiiba ay kooxda ay xukuntay ahaayeen kuwii fuliyay falkaa, taas oo abuurtay doodo iyo su’aalo rayalcaamku isku weydiinayaan sababta ay Maxkamaddu go’aankeeda  ugu cadayn weyday  ujeedooyinka iyo xaqiiqda dhabta ah ee denbiga  dhacay,  maadaama aanu ahayn mid ku lug leh aano qabiil  iyo arrimo gaara oo dhexmaray shaqsiyaad  macaamil iyo xidhiidh ka dhxeeyey, balse sida ku cad xukunkeeda uu ahaa hawlgal  shirqool siyaasadeed  oo sarkaal qaran oo huwan sharafta iyo karaamada qaranka  ay ku fuliyeen koox lasoo abaabulay.

Sidaa awgeed ka maqnaanshaha go’aanka Maxkamadda ee ujeedada iyo xaqiiqda dhabta ah ee denbiga dhacay iyo cida ka danbaysa oo ka hor inta aan loo gudbin kiiska Maxkamadda ay lagama maarmaan tahay in baadhistiisa oo  dhamaystiran loo gudbiyo xeer-ilaalinta si ay dacwada uga soo oogto Maxkamadda horteeda  ayaa u muuqata mid la daahsaaray.

Inkasta  oo  marka la eego go’aanka Maxkamadda iyo tirada markhaatiyada la horkeenay  aan  la odhan Karin  baadhista kiiska ayaa qabyo ahayd, balse waxa muuqata  inay ujeedadii iyo asbaabihii falkaa shirqoolka ahaa iyo cidii ka danbaysay daah saaranyahay oo  aanay Maxakamaddu xukunkeeda ku sheegin kooxda ay xukuntay ee falkaa fulisay cida ay u shaqaynayeen, maadaama kooxda maxkamaddu xukuntay sida hada muuqata ay ahaayeen kuwii iyagu fuliyay hawlgalkaa, . iyadoo ay jireen dareeno xanbaarsan tuhun oo lagu saadaalinayay tan iyo markii sarkaalka sirdoonka loo qabtay kiiskaa sida ay suurtagal u tahay inay masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada iyo shaqsiyaad kaleba saamayn ugu yeelan doonto, maadaama masuulka kiiskaa loo qabtay ahaa taliyihii sirdoonka gobolka.

Si kastaba ha ahaatee waxa  aan layska indhatiri Karin inay lagama maarmaan tahay in lasoo bandhigo ujeedadii iyo cidii ka danbaysay shirqoolkaa, taas oo inata ay meesha ka maqantahay aanu xukunka maxkamaddu ahayn mid dhamaystiran, ama go’aanka noocaa ah, waxa  loo qaadan karaa mid qorshihiisu yahay in lasoo ururiyo baaxada kiiska iyo denbiga dhacay oo lagu soo  koobo kooxdii fulisay oo keliya si loo badbaadiyo cidii ka danbaysay iyo ujeedada laga lahaa shirqoolka, waana halka xudunta u ah doodaha iyo falanqaynta rayalcaamka bulshadu jawaabteeda  sugayaan in si cad ay go’aanka Maxkamadda uga muuqato cida ay kooxda uu hormoodka ka yahay Taliyaha sirdoonka gobolka Sool ee  falkaa shirqoolka ah fulisay u shaqaynayeen.

Sidaa awgeed haddii la iska indho tiro xididdada shirqoolka oo  aan la helin, waxay horseedi kartaa in gobolka Sool oo dilkii Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Col. Cismaan Yuusuf Nuur (Af-Qurux), uu yahay  dhacdo ugub ku ah gobolka,  inuu noqdo mid sii socon kara. isla markaana amniga gobolka khalkhal gelin kara.

Faalo By,  Carraale  M. Jaama

Hargeysa Office Araweelonews

Jaamac132@gmail.com.

E-mail; Info@araweelonews.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>