Hargeysa(Arweelo News Network)Xisbiga muxaafidka ee KULMIYE, ayaa jawaab ka biuxiyay Murrashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo ee doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2015 ee fooda inagu soo

haya.kadib markii wargeysyada kasoo baxa Hargeysa shalay qoreen qaarkood in wax iska bedeleen mawqifkii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

Qoraal Xisbiga Kulmiye kasoo saaray arrintaa, isla markaana lagu sharaxyo mawqifka xisbiga ee arrintaa oo uu ku saxeexanyahay gudoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel, ayaa u qoraan sidan:-

“Xisbiga KULMIYE Wuxuu Si cad u Beeninayaa Warka Shalay ku Soo Baxay Labada Jariidadood ee kala ah Ogaal iyo Geeska Africa ee lagu Sheegay inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Go’aansaday inuu ka Tanasulay Murashaxnimadiisa Doorashada Madaxtoyada Ee 2015-Ka ka Dhici Doonta Dalka.

Iyadoo Warkan Lagu Sheegay inuu Madaxweynuhu Go’aankiisa ka Sheegay Laba Kulan oo Madaxtooyada ka Dhacay oo ay Goob joog ahaayeen Xubno Kooban Oo Golaha Wasiirada ka mida iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

Haddaba, Madaxda Sare ee Xisbiga KULMIYE oo Shir ay (Maanta Oo Ah Axad 12-10-2014), Isugu Yimaadeen Xarunta Xisbiga Kulmiye oo waxay kaga Wada Hadlayeen Warkaa Been Abuurka ah ee Ku Soo Baxay Labadaa Jariidadood, Wuxuu Gudoomiyaha Xisbigu Halkaa Ka Cadeeyay In isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo ay is Aragooda ugu Danbeysay Maalinti Ciidal Adxada.

Maalintii Madaxweynuhu Dhoofayay iyo Afartii Malmood ee Ka Horeeyayna Uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Bixii Cabdi iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Koowad ee Xisbiga Maxamed Kaahin Iyo Madax kale oo Kamida Madaxda Xisbiga iyo Xukuumaduba Waxay ku Mashquuleen Baadigoobkii Maydkii Marxuum Nuux Xuseen Ee Daadku ku Qaadey Dooxa Dacar budhuq.

Haddaba,Hogaanka Sare ee Xisbiga KULMIYE Wuxuu si Buuxda u Cadaynayaa inu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Yahay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ee Doorashada 2015-ka ka Qabsoomi Doonta Dalka.

Waxa La Wada Xusuusanyay inay Markii hore Jireen Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa Laba Murashax Madaxweyne oo kala ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi Arrintaasi oo Sababtay Xisbiga Dhexdiisa Khilaaf Culus Oo Xisbiga kala Qaybiyay,balse kadib, markay labadooda Murashax gaar u Wada Hadleen ayuu Gudoomiyaha Xisbigu ku Dhawaaqay inuu Murashaxnimadii Madaxweynenimo uga Tanaasulay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Sidaa ku Noqday Murashaxa Kaliya ee u Taagan Xisbiga KULMIYE,Sidaana u Taageero Buuxda ula Taaganyahay Hogaanka Sare ee Xisbigu.

Xisbiga KULMIYE wuxuu Ummadda reer Somaliland u Cadeynayaa inay Arrimaha Doorashooyinka iyo Soo Saarida Murashaxniita ay yihiin Arrimaha Xisbigu ku Shaqo Leeyahay iyadoo ay Talaabo kasta kala Tashanayaan Madaxweynaha oo ah Odayga Xisbiga,Sidaas Daraadeed, Waxaanu Ummadda Reer Somaliland u Sheegaynaa inaanay Dheg u Dhigin Wararka been Abuurka ah ee had iyo jeer laysla dhex maro,balse kaliya ay wax ku qabsadaan wixii war ah ee Rasmiya ee Ka soo baxa Xisbiga KULMIYE.” Ayaa lagu yidhi qoraalsaxaafadeedkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *