Culimadda Ceergaabo Oo Ku Yaboohay Haweeney Xiskeedu Dhiman yahay Oo Lagu Hayo CeerigaaboCeerigaabo(ANN) Haweeney xiskeeda xagga maskaxda dhiman yahay ayaa muddooyinkan ugu danbeeyey lagu hayey magaalada Ceerigaabo kaddib markii laga qabtay iyadoo lugaynaysa degaannada soolasha

miyiga jahada bari ka xiga magaalada Ceerigaabo.

Sheekh-Siciid Axmed Xaashi oo culimada magaalada Ceerigaabo ka mid ah.islamarkaasna deggan guriga haweeneydan xiskeedu dhiman yahay oo aannu booqannay ayaa isagoo ka warramaya haweeneydan wuxu yidhi “Gabadhan xanuunsanaysa oo muddo ku dhow laba bilood aannu halkan ku hayney markii horena dad muslimiin ahi kazoo qabteen miyi fog oo bariga Ceerigaabo ah hadalkeeduna kolley dadka Burco ilaa Hargeysa u eg yahay Waxannu cid kastoo aragta baafintan ugu baaqaynaa inay ugu soo hagaagaan Ceerigaabo”.

Sheikh-Xuseen Jalibaax iyo Sheekh-Cali Dhiillood Cabdi oo ka mid ah Culimada guddida Tabarrucaadka iyo Taakulaynta Masaakiinta gobolka Sanaag oo iyaguna goobta ku sugnaa ayaa iyaguna dhinocooda cid kastoo muuqaalkan/baafintan aragta waxay ugu baaqeen in laga taakuleeyo duruufaha shakhsiyeed ee ku gedaaman haweeneydan oo ay ugu weyn yihiin sidii ehelkeedii loola raadin lahaa iyo sidii baahida ay qabto looga taageeri lahaa Iyadoo wixii faahfaahin dheeraad ahna lagala soo xidhiidhayo telefoonnadan kala ah.

00 252 634325420

00 252 907776254

00 252 907722355

00 252 634475343

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *