Hargeysa (ANN) Shixnadii u horaysay ee qalabka loo isticmaalayo doorashada Madaxtooyada Somaliland oo todobaadkii hore Komishanka qaranku ku dhawaaqeen inay dalka ka dhacayso Juun 2010, ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

C/raxmaan Dixiid oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka ayaa u sheegay  weriyayaal ka socday Universal TV  oo waqtigaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International in qalabka soo gaadhay uu yahay sanaaduuqda codbixinta oo diyaaradu kasoo qaaday dhinaca dalka Nayrobi.   Qalabkaa oo noqonaya shixnadii u horaysay ee agabka doorashooyinka waxa maanta laga soo dejiyay  Diyaarad xamuulka oo ay leedahay shirkada African airways, iyadoo  C/raxmaan Dixiid oo ka socday komishanka qaranka iyo  saraakiil ka socotay Ha’yada Enter Peace oo ay soo wakiisheen deeqbixiyayaasha maalgelinaya doorashada Somaliland ee la filayo inay dhowaan Dalka ka dhacdo.

 

Araweelonews/Office Hargeysa .                                

By,  Carraale M. Jama

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *