Hargeysa(ANN) Mudane ka tirsan Xildhibaannada Somaliland ee kasoo jeeda  gobolka Sool ayaa la waayay meel uu ku danbeeyay. Kadib markii ay tuhuno iyo warar sheegaya inuu lug ku leeyahay dilalka iyo shirqoolada ka socday gobolka Sool sannadii u danbeeyay soo baxeen.

 

Xildhibaan Maxamed Axmed  oo lagu naanayso (Dhakool ),  ayaa eedaha lagula xidhiidhinayo falalka shirqoolada ee ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood  sii xoogaysteen mudooyinkii u danbeeyay. Kadib markii goor caweys ah Jimcihii 1 July 2011 laba Nin oo hubaysani fal shirqool dil ah la beegsadeen Guddoomiyiha ururka Haweenka Qaranka ee NOW ee Gobolka Sool Nadiifo Maxamed Col-ujoog oo ah  Haweenay u ololaysa nabada iyo Horumara gobolka Sool, isla markaana  hore loogu dilay magaalada Laascaanood Ninkeeda oo ahaa  Taliyaha Sirdoonka Gobolka Sool Marxuum Maxamed Maxamuud (Asad), kaas  oo  7-dii March 2011-ka lagu dilay Magaalada Laascaanood. Kadib markii  fal sidan oo kale loogu fuliyay.

Lama garanayo Mudane Dhakool dhinaca uu dalka uga baxay, balse warar la xidhiidha socdaalkiisa iyo xoggo  shebekada wararka Araweelonews ka heshay meelo kala duwan ayaa sheegay inuu dhinaca wadamada Bariga Afrika u baxay dhawr maalmood ka hor. Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inuu Koonfurta Somalia tegey, waxayna xoggaha dhinaca saraakiisha amaanka Somaliland laga soo xigtay sheegayaan inuu si qarsoodi ah dalka uga baxay markii warbaahinta lagu weeraray  inuu lug ku leeyahay dilkii ugu danbeeyay ee lagu fuliyay magaalada Laascaanood Hawenaydaa magaceedu yahay Nadiifo Maxamed Col-ujoog, isla markaana baadhitaanadii kiiskaa lagu ogaaday fariimo hanjabaad ah oo gabadhaa uga tegey dhiniciisa ka hor intii aan shirqoolka dilka lala beegsan Nadiifo oo dhaawac culusi soo gaadhay, isla markaana lagu soo daweeyay dalka Ethopia.


“Ninkaasi dalka wuu ka baxay si qarsoodi ah, lama garanayo meeshuu u baxay” sidaa waxa yidhi Sarkaal ka tirsan sirdoonka Somaliland oo codsaday inaan la magcaabin, isla markaana diiday inuu jawaab intaa ka badan ka bixiyo arrinta xildhibaan Dhakool.
Laakiin tibaaxo kale oo Araweelonews ka  qaar ka mid ah dadka ehelkiisa ah ayaa ujedada safarkiisa ku sheegay inaanu ahayn mid cabsiyeed ee uu yahay mid uu hawlo ganacsi ugu baxay wadamo Afrikada dhexe iyo bariga Afrika oo aanay magcaabin. 

Faysal Jaamac Xirsi oo ay isku Qoys ahaayeen Taliyihii Laanta Sirdoonka Gobolka Sool Maxamuud Maxamed Xirsi (Asad) ayaa Shebakaddaha Araweelo News Network, u sheegay April 25, 2011 in kooxdii dilkaasi fulisay ay xidhiidh wada shaqayneed la lahaayeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee ka soo jeeda deegaankaa iyo Maayarka Laascaanood Axmed Aw Daahir oo uu sheegay inuu isagu-na door ku lahaa fulinta dilkaa.


Sidoo kale qaar ka mid ah ehelada Marxuumka iyo shaqsiyaad kale oo kasoo jeeda gobolka Sool ayaa warbaahinta kaga hadlay marar baddan falalka shirqoolada ee Laascaanood, waxayna la xidhiidhiyeen  xildhibaankaa iyo  shaqsiyaad  kale oo uu ka mid yahay  Maayarkii hore oo dhiwaan xukuumada Somaliland xabsiga u taxaabtay dhamaadkii Jun, isla markaana xilkii laga xayuubiyay markii tuhuno iyo baadhitaano ku waajahnaa falalka shirqoolada iyo qaska gobolka Sool galeen,  balse lagu sii daayay damiin Odayaal maalmo kadib.  
Labadaa Nin ayaa hadl hayntoodu ku badatay in lala  xidhiidhiyo arrimahaa oo  ay lug ku leeyihiin  tan iyo intii ay xarunta gobolka Sool ka bilaabmeen shirqoolada  dilalka  iyo qaraxyadu   2009-kii
Xiligaa oo shirqoolka qaraxii u horeeyay   Axadii 1 Nov, 2009, magaalada Laascaanood lagu dilay abaaro (10;00 pm), Taliyihii Qaybta 12aad ee ciidanka qaranka Somaliland Col, Cismaan Yuusuf Nuur oo lagu naanaysi jiray Af- Qurux (Af-Dh). Ka dib markii qarax nooca sheeda laga hago ee rimuutka loo isticmaalo lala beegsaday gaadhigiisa oo marayay badhtamaha magaalada, waxaana kiiskaa loo qabtay  taliyihii sirdoonka gobolka Sool iyo koox kale oo markii sida garsoorihii dacwadaa qaadayay sheegay Maxakamaddu  ku riday xukun. Waxaana mudadaa wixii ka danbeeyay xarunta gobolka Sool falal shirqool dilal iyo qaraxyo lala beegsaday in ka baddan labaatan masuul oo saraakiisha gobolka ah, kuwaas oo intooda badani dhinteen, isla markaana ay ciidamada Booliska  iyo Sirdoonku ku guuldaraysteen inay gacanta ku dhigaan fuliyayaasha  hawlgaladaa shirqoolada iyo kuwa ka danbeeyaba.  


Mudane Dhakool ayaa sidan oo kale ugu baxay dalka socdaal markii dhegeysiga kiiska kooxda  loo hayay dilka Taliyahii ciidanka Qaranka Marxuum Cismaan ka bilaabmay Mandheera oo duleedka  dhinaca Bari ee Magaalada Hargeysa Ah, waxaana soo baxay xiligaa oo socdaalkiisu kusoo beegmay warar lagu  xoojinayay tuhunadii lagula xidhiidhay inuu raad ku lahaa kooxda loo qabtay falkaa, laakiin maalmo ka dib ayuu kusoo laabtay dalka markii uu dhacay xukunka kiiskaa dilka ee loo haystay kooxdaa.


Marar badan ayay shebekada Araweelonews isku dayday inay wax ka weydiiso mudanahaa eedaha shirqoolada iyo dilalka Sool ee lala xidhiidhiyo oo uu jawaab ka bixiyo. laakiin wuu ka cudur daartay inuu ka hadlo, isagoo yidhi, “Maba aqaan dadka saxaafada ku qora eedahaa, mana aha dad aan garanayo. sidaa awgeed uma jawaabayo.”

 

Araweelonews Mobile Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

One thought on “Mudane Ka Tirsan Xildhibaanada Somaliland Oo La Waayay Markii Ay Soo Bexeen Tuhuno Lagula Xidhiidhiyay Shirqoolada Iyo Dilalka Gobolka Sool”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *