Hargeysa (AAN) Kulan laba maalmood socday oo ay ka qayb galeen in ka badan konton suxufi oo ka socday warbaahinta Somaliland ayaa lagu ogolaaday xeerka anshaxa saxaafada ee xiliga doorashada oo ka kooban dhawr iyo labaatan qodob, waxaana gebagebadii kulankaa qalinka ku duugay xeerka Anshaxa Saxaafadda ee xilliga doorashada (Code of conduct). Masuuliyiinta Ha’ayadaha warbaahinta Somaliland.  Iyadoo Munaasibaddii saxeexa oo lagu qabtay  Huteel Ambasador ee Magaalada Hargeysa ay  goob-joog ka ahaayeen  Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland,  Masuuliyiin ka socday saddexda Xisbi siyaasadeed, saraakiil ka socday haya’daha wada shaqaynta la leh gudida doorashooyinka   iyo Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi.

“Qolada Xisbiyada waxaan leeyahay waxaad ku andacootaan Warbaahinta dawladda waxba nalagama siiyo ee Xukuumadda iyo Xisbigeeda ayaa loogu adeegaa.

Waxaan maanta idiin sheegayaa in loo siman yahay oo aannu idinku soo dhawaynayno Weji furan iyo Gacmo furan. Komishanka doorashooyinkana waxaan leeyahay waa inaad hawsha hab-dhaqankaa maanta.” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somalialnd Axmed X. Daahir , Isaga oo Suxufiyiintana ku amaanay  heshiiska ay gaadheen, isla markaana ugu baaqay inay dalkooda iyo dadkoodaba u tudhaan, doorka ugu habboonna ka qaataan suurtagalnimada sidii ay doorasho xor iyo xalaal ahi u qabsoomi lahayd.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo sidoo kale Munaasibaddaa heshiiska lagu saxeexayay ka hadlay, ayaa sheegayin in Komishan ahaan dedaal weyn u galeen in heshiiska maanta Suxufiyiintu saxeexeen la helo. Waxaanu tilmaamay in Xeerkan anshaxu yahay mid ay u madax-bannaanaayeen Saxaafaddu samayntiisa iyo soo diyaarintiisii hore. Isla markaana waxa uu Afhayeenka Komishanka doorashooyinku ballan-qaaday inay Komishan ahaan fulinayaan waajibaadka uu Xeerkani farayo.

“Komishan ahaan waxaannu diyaar u nahay inaannu fulinno waajibaadka aad na saarteen, Annagoo ogsoon doorka iyo muhiimadda ay Saxaafaddu u ku leedahay hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah oo Somaliland ka dhacda.” Ayuu yidhi Afhayeenka, oo isla markaana ah Wakiilkii Komishanka doorashooyinka u fadhiyey madashii ay Warbaahintu ku lafa gureen Xeerka anshaxa ee maanta la saxeexay.

Sidoo kale, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ku hadlayay magaca Warbaahinta, ayaa u mahadnaqay Hay’adaha Inter Peace, Akaadamiga horumarka iyo nabadda iyo Komishanka doorashooyinka, gaar ahaanna Wasiirka Warfaafinta Axmed X. Daahir oo uu sheegay inuu gacan wayn ka gaystay isu soo dhawaynta Warbaahinta. Waxaanu Cabdillaahi xusay inay Hay’adaha kalena gacan ka gaysteen hirgelinta hawsha xeerka anshaxa ee maanta la saxeexay. Cabdillaahi-Cukuse waxa uu ka waramay dedaalkii ay Saxaafaddu u gashay in laysla gaadho heshiiskan.

Sexeexidda Xeerkani waxay ka dambaysay markii labadii maalmood ee u dambeeyey kulan uga socday Huteelka Ambasador ee Caasimadda Hargeysa Suxufiyiinta Hay’adaha Warbaahinta Somaliland oo tiradoodu gaadhaysay 50 xubnood  ay ku lafa-gurayeen Xeerkan oo ay qodobbadiisii hore wax ka beddal iyo kaabis ku sameeyeen, kaasoo ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen. Waxaanu dhaqangalkiisu ka bilaabmi doona maanta oo la saxeexay illaa maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqayo

Hase yeshee xubno gudi ah oo la doonayay in kulankaa lagaga dhawaaqo ayaa layku mari waayay, waxaana ugu danbayntii hawsha xubnaha gudida tiradooda iyo nooca ay noqonayaan loo daayay komishinka gudida doorashooyinka qaranka, kuwaas oo dhowaan lasoo saari doono magacyadooda. Iydoo  gudidaa hawsheedu noqon doonto inay kaantaroolaan mudada uu xeerkani shaqaynayo ee xiliga doorashada waxyaabaha aan waafaqsanayay qodobada heshiiska ee dhinaca warbaahinta.  

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *