Maxkamadda gobolka Saaxil ayaa xukuno kala duwan ku riday 13 April 2010, sagaal qof oo ku Eedaysnaa shirqoolkii Taliyahii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Col, Cismaan Yuusuf Nuur oo lagu dilay qarax nooca Rimuutka lagu maamulo oo lala beegsaday gaadhigiisa 1 Nov 2009, isagoo marayay badhtamaha magaalada Laascaanood. Inkasta oo kiiskaa loo qabtay dad lagu qiyaasay Afartaneeyo qof, balse waxa dareenka rayalcaamka bulshada oo si weyn uga murugooday shirqoolkaa la yaab iyo wax aan la liqi Karin ku noqotay markii raadkii baadhista halkaa laga waday maalin ka dib Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool Albaabka uga galay, kaas oo xabsiga loo taxaabay.
Arrintaa ayaa ahayd mid si weyn u xoojisay tuhunadii iyo dareenada qaybo badan oo tirsan bulshadu ku saadaalinayeen suurtagalnimada in aanay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Madaxweyne Riyaale sinaba uga badbaadi Karin ku lug lahaanshaha shirqoolkaa. Hase yeeshee marxalado kala duwan iyo jiitan mararka qaar shaki iyo isku dhac ka abuuri gaadhay ciidamada qaranka ee jiida hore iyo qaar ka mid ah wasiirada xukuumada Madaxweyne Rayaale ayaa ku khasbay inay Wasiiradda Arimaha Gudaha, Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranku shir jaarid oo ay 15 Dec 2010 wada jir ugu qabteen Magaalada Hargeysa, ka dib socdaal hawlahaa la xidhiidha oo ay kaga soo laabteen gobolka sool ku sheegeen inay baadhista kiiska dilka Taliyahu gebagebo tahay, isla markaana sida ugu dhaqsaha badan Maxkamad loo horkeeni doono, iyagoo xusay in la hayo cadaymo iyo qiraal uu bixiyay Taliyaha Sirdoonka Sool oo ka mida ah 17 qof oo ay shirkooda jaraa’id ku sheegeen in loo hayo oo aanay xukuumad ahaan wax naxariis ah u gelayn, wixii ay sharciga ka helaan mooyee, isla markaana balanqaaday in dhegeysiga dacwadaa albaabada loo furi doono.
Inkasta oo kiiskaa xukuumadu balan qaaday in dhegaysigiisa albaabada loo furi doono, hadana may suurta gelin inay saxaafada iyo qaar badan oo ka mid ah Bulshada oo danaynayay dhegaystaan, maadaama dacwada dhegeysigeeda laga bilaabay hool ku yaala xabsiga Magaalada Mandheera gudihiisa oo qiyaastii 90 Km kaga beegan magaalada Hargeysa dhinaca Bariga.
Hase yeeshee markii lasoo gebagebeeyay dhegeysiga dacwadaa oo mudo todobaadyo ah ka socotay halkaa, waxa soo baxay qaraarka go,aanka maxkamadda ee ku taariikhaysnaa 13 April, 2010, kaas oo sida garsooraha dacwada qaadayay sheegay in toban qof oo ku eedaysnaa kiiskaa oo sagaal ka mid ah la horkeenay Maxkmadda saddex ka mid ah oo uu ku jiro eedaysanihii koowaad Taliyihii sirdoonka gobolka Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf, Maxamed Axmed Abgaalow oo dareewalkiisa ahaa iyo Cabdirashiid Yuusuf Buraale oo isagu ahaa maqane aan Maxkamadda la horkeenin lagu xukumay dil toogasho ah,
Sidoo kale Maxkamaddu waxay saddex eedaysane oo kale ku riday xukuno kala duwan, iyadoo Cabiqaadir Cabdi Xasan 15 sanno (shan iyo toban sannadood) oo xabsi ah ku xukuntay, Eedaysane Maxamed Jaamac Ducaalle oo lagu xukumay 8 sanno (siddeed sannadood). Cabdirashiid Axmed Warsamme (Faroole) ayaa isaga lagu xukumay 1 (sanno) oo xadhig ah.
Waxyna Maxkamaddu sii deysay Afar ka mid ah eedaysnayaasha. Ka dib markii waxba lagu cadayn kari waayay sida uu garsooruhu ku sheegay go’aankiisa. Laakiin Afartaa qof oo u dhashay dalalka Ithopia iyo Eretria Maxkamaddu waxay xukuntay in dalka laga masaafuriyo.
Maadaama tan iyo bilawgii dhacdada shirqoolka ahayd ee lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka qaranka rayalcaamka bulshadu inadhaha ku hayeen kiiskaa. Sida Maxkamaddu xukunkeeda ku sheegtay waxay dhegeysatay in ka badan labaatan markhaati, iyadoo go’aankeeda ku cadaysay in hawlgalka lagu dilay Sarkaalka Ciidanka qaranku ahaa shirqool, kooxda ay xukunada kala duwan ku ridayna ahaayeen kuwii fuliyay. iyadoo ay jireen dareeno xanbaarsan tuhun oo lagu saadaalinayay sida ay suurtagal u noqon karto in lasoo bandhigo gebi ahaanba meelaha raadka baadhista kiisaa shirqoolka ahi galo, taas oo doodaha qaybo badan rayalcaamka Bulshadu rumaysnaayeen in haddii baadhistu noqoto mid si dhab ah loo waajaho raadadkeedu geli karaan saraakiil kale oo xukuumada ka tirsan iyo shaqsiyaad xidhiidh dhow la leh, maadaama uu kiisku Albaabka uga galay masuulkii hay’ada Sirdoonka qaranka ee gobolka Sool, balse doodaha iyo falanqaynta la xidhiidha dilkaa ayaa ahaa kuwo jawaabtooda lala sugayay go’aanka Maxkamadda si aan looga hordhicin.
Laakiin markii ay Maxkamaddu ku dhawaaqday go’aankeeda waxa durbadiiba soo baxay doodihii iyo falanqayntii ku saabsanaa kiiskaa, iyadoo go’aanka xukunka ah ee Maxkamaddu ku dhawaaqday kasoo dhexbaxeen su’aalo iyo doodo hor leh. Ka dib markii go’aanka xukunka Maxkamadda laga waayay cida ka danbaysay shirqoolkaa, haddiiba ay kooxda ay xukuntay ahaayeen kuwii fuliyay falkaa, taas oo abuurtay doodo iyo su’aalo rayalcaamku isku weydiinayaan sababta ay Maxkamaddu go’aankeeda ugu cadayn weyday ujeedooyinka iyo xaqiiqda dhabta ah ee denbiga dhacay, maadaama aanu ahayn mid ku lug leh aano qabiil iyo arrimo gaara oo dhexmaray shaqsiyaad macaamil iyo xidhiidh ka dhxeeyey, balse sida ku cad xukunkeeda uu ahaa hawlgal shirqool siyaasadeed oo sarkaal qaran oo huwan sharafta iyo karaamada qaranka ay ku fuliyeen koox lasoo abaabulay.
Sidaa awgeed ka maqnaanshaha go’aanka Maxkamadda ee ujeedada iyo xaqiiqda dhabta ah ee denbiga dhacay iyo cida ka danbaysa oo ka hor inta aan loo gudbin kiiska Maxkamadda ay lagama maarmaan tahay in baadhistiisa oo dhamaystiran loo gudbiyo xeer-ilaalinta si ay dacwada uga soo oogto Maxkamadda horteeda ayaa u muuqata mid la daahsaaray.
Inkasta oo marka la eego go’aanka Maxkamadda iyo tirada markhaatiyada la horkeenay aan la odhan Karin baadhista kiiska ayaa qabyo ahayd, balse waxa muuqata inay ujeedadii iyo asbaabihii falkaa shirqoolka ahaa iyo cidii ka danbaysay daah saaranyahay oo aanay Maxakamaddu xukunkeeda ku sheegin kooxda ay xukuntay ee falkaa fulisay cida ay u shaqaynayeen, maadaama kooxda maxkamaddu xukuntay sida hada muuqata ay ahaayeen kuwii iyagu fuliyay hawlgalkaa, . iyadoo ay jireen dareeno xanbaarsan tuhun oo lagu saadaalinayay tan iyo markii sarkaalka sirdoonka loo qabtay kiiskaa sida ay suurtagal u tahay inay masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada iyo shaqsiyaad kaleba saamayn ugu yeelan doonto, maadaama masuulka kiiskaa loo qabtay ahaa taliyihii sirdoonka gobolka.
Si kastaba ha ahaatee waxa aan layska indhatiri Karin inay lagama maarmaan tahay in lasoo bandhigo ujeedadii iyo cidii ka danbaysay shirqoolkaa, taas oo inata ay meesha ka maqantahay aanu xukunka maxkamaddu ahayn mid dhamaystiran, ama go’aanka noocaa ah, waxa loo qaadan karaa mid qorshihiisu yahay in lasoo ururiyo baaxada kiiska iyo denbiga dhacay oo lagu soo koobo kooxdii fulisay oo keliya si loo badbaadiyo cidii ka danbaysay iyo ujeedada laga lahaa shirqoolka, waana halka xudunta u ah doodaha iyo falanqaynta rayalcaamka bulshadu jawaabteeda sugayaan in si cad ay go’aanka Maxkamadda uga muuqato cida ay kooxda uu hormoodka ka yahay Taliyaha sirdoonka gobolka Sool ee falkaa shirqoolka ah fulisay u shaqaynayeen.
Sidaa awgeed haddii la iska indho tiro xididdada shirqoolka oo aan la helin, waxay horseedi kartaa in gobolka Sool oo dilkii Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Col. Cismaan Yuusuf Nuur (Af-Qurux), uu yahay dhacdo ugub ku ah gobolka, inuu noqdo mid sii socon kara. isla markaana amniga gobolka khalkhal gelin kara.
Faalo By, Carraale M. Jaama
Hargeysa Office Araweelonews
Jaamac132@gmail.com.
E-mail; Info@araweelonews.com
[…] qorshaysan oo mudda dheer kusoo noq noqnayay magaalada Laascaanood laga soo bilaabo 2009, oo inta baddan aan raadkooda la helin, ayaa sababay inay shacbigu ka gedoodaan, waxayna arintaasi […]
[…] Muuse Biixi waxa uu ka hadlay dadkii gudaha Laascaanood lagu laayay laga soo bilaabo ilaa 2009-, (Dilkii Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland, ( Col, Cismaan Yuusuf Nuur), iyo […]
[…] shirqoolada dilalka iyo qaraxyadu 2009-kii Xiligaa oo shirqoolka qaraxii u horeeyay Axadii 1 Nov, 2009, magaalada Laascaanood lagu dilay abaaro (10;00 pm), Taliyihii Qaybta 12aad ee ciidanka qaranka […]