Berbera(ANN)Alle ha u naxariistee waxaa goor dhawayd ku geeryooday shil baabuur duleedka Magaalada Berbera Guddoomiyihii Jaamacada Hargaysa Muuse Cabdi Cilmi. Kadib markii gaadhi kula qalibmay wadada looga leexdo Madaarka Berbera maanta duhurkii. Waxaana dhaawaca

Gudoomiyaha iyo Cismaan Ciise Cawaale oo isagana dhaawac fududi soo gaadhay la geeyay Cusbitaalka Berbera, balse waxba markii laga qaban kari waayay loosoo gudbiyay dhinaca magaalada Hargeysa, halkaas oo uu jidka ku geeriyooday Gudoomiyaha Jaamacada hargeysa, balse Cismaan Ciise oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Jaamacada oo gaadhiga waday waxa soo gaadhay dhaawac fududu, isagoo ka jabay Gacan, waxaana galabta la keenay cusbitaalka magaalada hargeysa.

Alle ha u naxariistee Marxuumka ayaa ku hawlanaa intii aanu shilkani dhicin caruurtiisa iyo reerkiisa oo ka imanayay debeda. Waxaana la filayaa in marxuumka lagu aaso maalinta Beri magaalada Hargeysa. Maamulka iyo hawlwadeenada shebekada Araweelonews waxay tacsi u dirayaan qoyskii qaraabadii iyo aradayda jaamacada Hargeysa ee Marxuumku ka baxay, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo isagana marxuumka jannadii fardawsa ka waraabiyo.
Araweelonews Mobile Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *