Hargeysa-(ANN)- Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa marxuum Muuse Cabdi Cilmi Samatar, ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Hargeysa, kadib markii uu shalay ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Berera. Marxuum Muuse

Cabdi Cilmi oo abaaro 9:30 barqanimo laga qaaday gurigiisa oo ku yaal xaafadda Goljano ee magaalada Hargaysa, waxa aaskiisa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay galbinayeen cutubyo ka tirsan ciidanka ilaallada madaxtooyadda, Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo uu hormuud u ahaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), wasiiro badan oo xukuumadda ka tirsan, saraakiisha sare ee ciidammada kala duwan ee Somaliland, xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan, guddoomiyeyaasha jaamacadaha dalka, aqoonyahano, madaxdhaqameedyo, culim awdiin, ardayda jaamacadaha dalka oo ay u badnaayeen kuwa wax ka barta jaamacadda Hargeysa iyo dadweyne aad u fara badan, iyada oo gaadiidka guriga marxuumka ka baxay ay is daba taxnaayeen ilaa xabaalaha maydkiisa lagu aasay oo ku yaal Daloodho oo waqooyiga Hargeysa ah.

Marxuum Prof. Muuse Cabdi Cilmi oo ka mid ahaa aqoonyahanka reer Somaliland,isla markaana ahaa abwaan iyo suugaan yahan ah oo ka soo qaybgalay halgankii dalka lagu xoreeyey, waxa aaskiisa si wayn maanta looga dareemay guud ahaan caasimadda Hargeysa iyo Somaliland, iyada oo maydkiisa ay ku tukadeen dadweyne aad u badan oo boqolaal qof gaadhaya, kuwaasi oo marxuumka Illaahay uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo oo dam-dhaaf siiyo.
Madaxweynaha Somaliland oo aaska kadib saxaafada la hadlay ayaa ka sheekeeyey taariikhda marxuum Muuse Cabdi Cilmi iyo doorka uu kaga jiray horumarinta arrimaha bulshadda, isaga oo shacabka Somaliland, ardayda Jaamacadda Hargeysa, bahda aqoonyahanka iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisiiba ka tacsiyadeeyey, waxannu marxuumka Illaahay uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, “” Muue waxa uu ahaa masuul weyn oo ka dhintay Qarankan, waxa uu ahaa nin aad iyo aad u wanaagsan oo Muslim ah oo fiican, oo akhlaaqda,  diinta iyo dhaqanka ku wanaagsan, waxa aynnu leenahay ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo oo kuligeen samir iyo ha inaga siiyo” sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Guddoomiyaha la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul wanaaga Axmed Muxumed Madar oo ka mid ahaa masuulliyiintii ka hadashay aaska dushiisa, ayaa si kooban uga warbixiyay taariikh-nololeedka Marxuumka, waxaannu yidhi, Axmed Muxumed Madar oo ah guddoomiyaha hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul wanagaa oo aqoon u lahaa Marxuumka, waxa uu sheegay Mr Madar  in uu ku dhashay Magaalada Hargeysa sannadkii 1946-kii , waxaana  uu waxbarashadiisii  hoose/dhexe ku dhamaystay Magaalada Hargeysa, isaga oo  dugsigiisi hoose dhigan jiray Biyo-dhacay Primary school, ka dibna  uu dugsigii dhexe  wax ku  bartay dugsiga Axmed Guray. Wakhigaas ka dibna waxa uu  dugsigii sare ku qaatay Camuud secondary school oo ku yaalay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Waxbarshada heer   jaamacadeed waxa  uu ku qaatay kuuliyadii waxbarshada ee jaamacadii ummada ee Magaalada Muqdisho horaantii sanndihii 1970-yadii, waxaana uu markii dambe  sarkaal sare ka noqday wasaarada waxbarashada , hidaha iyo dhaqanka ee Soomaaliya, waxa uu guddoomiye waxbarsho ka noqday Magaalooyinka Markacadey, Kurdinwaaray, Kismaayo iyo meelo kale oo badan.
Sannadkii 1991-kii waxa loo magacaabay inuu noqdo agaasimihii ugu horeeyay ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ee  dawladii uu hogaaminayay Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), muddo ka dibna uu  waxa uu deganaansho ka helay dalka Holland, dabayaaqadii sannadkii 2010-kii waxa uu noqday guddoomiyaha jaamacada Hargeysa xilkaas uu hayay ilaa dhimashadiisii.”
Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa Marxuum Muuse Cabdi Cilmi Samatar waxa uu ifka kaga tegay afar wiil iyo laba hablood.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *