Hargeysa(ANN) Mudane ka tirsan Xildhibaannada Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Sool ayaa la waayay meel uu ku danbeeyay. Kadib markii ay tuhuno iyo warar sheegaya inuu lug ku leeyahay dilalka iyo shirqoolada ka socday gobolka Sool sannadii u danbeeyay soo baxeen.
Xildhibaan Maxamed Axmed oo lagu naanayso (Dhakool ), ayaa eedaha lagula xidhiidhinayo falalka shirqoolada ee ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood sii xoogaysteen mudooyinkii u danbeeyay. Kadib markii goor caweys ah Jimcihii 1 July 2011 laba Nin oo hubaysani fal shirqool dil ah la beegsadeen Guddoomiyiha ururka Haweenka Qaranka ee NOW ee Gobolka Sool Nadiifo Maxamed Col-ujoog oo ah Haweenay u ololaysa nabada iyo Horumara gobolka Sool, isla markaana hore loogu dilay magaalada Laascaanood Ninkeeda oo ahaa Taliyaha Sirdoonka Gobolka Sool Marxuum Maxamed Maxamuud (Asad), kaas oo 7-dii March 2011-ka lagu dilay Magaalada Laascaanood. Kadib markii fal sidan oo kale loogu fuliyay.
Lama garanayo Mudane Dhakool dhinaca uu dalka uga baxay, balse warar la xidhiidha socdaalkiisa iyo xoggo shebekada wararka Araweelonews ka heshay meelo kala duwan ayaa sheegay inuu dhinaca wadamada Bariga Afrika u baxay dhawr maalmood ka hor. Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inuu Koonfurta Somalia tegey, waxayna xoggaha dhinaca saraakiisha amaanka Somaliland laga soo xigtay sheegayaan inuu si qarsoodi ah dalka uga baxay markii warbaahinta lagu weeraray inuu lug ku leeyahay dilkii ugu danbeeyay ee lagu fuliyay magaalada Laascaanood Hawenaydaa magaceedu yahay Nadiifo Maxamed Col-ujoog, isla markaana baadhitaanadii kiiskaa lagu ogaaday fariimo hanjabaad ah oo gabadhaa uga tegey dhiniciisa ka hor intii aan shirqoolka dilka lala beegsan Nadiifo oo dhaawac culusi soo gaadhay, isla markaana lagu soo daweeyay dalka Ethopia.
“Ninkaasi dalka wuu ka baxay si qarsoodi ah, lama garanayo meeshuu u baxay” sidaa waxa yidhi Sarkaal ka tirsan sirdoonka Somaliland oo codsaday inaan la magcaabin, isla markaana diiday inuu jawaab intaa ka badan ka bixiyo arrinta xildhibaan Dhakool.
Laakiin tibaaxo kale oo Araweelonews ka qaar ka mid ah dadka ehelkiisa ah ayaa ujedada safarkiisa ku sheegay inaanu ahayn mid cabsiyeed ee uu yahay mid uu hawlo ganacsi ugu baxay wadamo Afrikada dhexe iyo bariga Afrika oo aanay magcaabin.
Faysal Jaamac Xirsi oo ay isku Qoys ahaayeen Taliyihii Laanta Sirdoonka Gobolka Sool Maxamuud Maxamed Xirsi (Asad) ayaa Shebakaddaha Araweelo News Network, u sheegay April 25, 2011 in kooxdii dilkaasi fulisay ay xidhiidh wada shaqayneed la lahaayeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee ka soo jeeda deegaankaa iyo Maayarka Laascaanood Axmed Aw Daahir oo uu sheegay inuu isagu-na door ku lahaa fulinta dilkaa.
Sidoo kale qaar ka mid ah ehelada Marxuumka iyo shaqsiyaad kale oo kasoo jeeda gobolka Sool ayaa warbaahinta kaga hadlay marar baddan falalka shirqoolada ee Laascaanood, waxayna la xidhiidhiyeen xildhibaankaa iyo shaqsiyaad kale oo uu ka mid yahay Maayarkii hore oo dhiwaan xukuumada Somaliland xabsiga u taxaabtay dhamaadkii Jun, isla markaana xilkii laga xayuubiyay markii tuhuno iyo baadhitaano ku waajahnaa falalka shirqoolada iyo qaska gobolka Sool galeen, balse lagu sii daayay damiin Odayaal maalmo kadib.
Labadaa Nin ayaa hadl hayntoodu ku badatay in lala xidhiidhiyo arrimahaa oo ay lug ku leeyihiin tan iyo intii ay xarunta gobolka Sool ka bilaabmeen shirqoolada dilalka iyo qaraxyadu 2009-kii
Xiligaa oo shirqoolka qaraxii u horeeyay Axadii 1 Nov, 2009, magaalada Laascaanood lagu dilay abaaro (10;00 pm), Taliyihii Qaybta 12aad ee ciidanka qaranka Somaliland Col, Cismaan Yuusuf Nuur oo lagu naanaysi jiray Af- Qurux (Af-Dh). Ka dib markii qarax nooca sheeda laga hago ee rimuutka loo isticmaalo lala beegsaday gaadhigiisa oo marayay badhtamaha magaalada, waxaana kiiskaa loo qabtay taliyihii sirdoonka gobolka Sool iyo koox kale oo markii sida garsoorihii dacwadaa qaadayay sheegay Maxakamaddu ku riday xukun. Waxaana mudadaa wixii ka danbeeyay xarunta gobolka Sool falal shirqool dilal iyo qaraxyo lala beegsaday in ka baddan labaatan masuul oo saraakiisha gobolka ah, kuwaas oo intooda badani dhinteen, isla markaana ay ciidamada Booliska iyo Sirdoonku ku guuldaraysteen inay gacanta ku dhigaan fuliyayaasha hawlgaladaa shirqoolada iyo kuwa ka danbeeyaba.
Mudane Dhakool ayaa sidan oo kale ugu baxay dalka socdaal markii dhegeysiga kiiska kooxda loo hayay dilka Taliyahii ciidanka Qaranka Marxuum Cismaan ka bilaabmay Mandheera oo duleedka dhinaca Bari ee Magaalada Hargeysa Ah, waxaana soo baxay xiligaa oo socdaalkiisu kusoo beegmay warar lagu xoojinayay tuhunadii lagula xidhiidhay inuu raad ku lahaa kooxda loo qabtay falkaa, laakiin maalmo ka dib ayuu kusoo laabtay dalka markii uu dhacay xukunka kiiskaa dilka ee loo haystay kooxdaa.
Marar badan ayay shebekada Araweelonews isku dayday inay wax ka weydiiso mudanahaa eedaha shirqoolada iyo dilalka Sool ee lala xidhiidhiyo oo uu jawaab ka bixiyo. laakiin wuu ka cudur daartay inuu ka hadlo, isagoo yidhi, “Maba aqaan dadka saxaafada ku qora eedahaa, mana aha dad aan garanayo. sidaa awgeed uma jawaabayo.”
Araweelonews Mobile Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
[…] qorshaysan oo mudda dheer kusoo noq noqnayay magaalada Laascaanood laga soo bilaabo 2009, oo inta baddan aan raadkooda la helin, ayaa sababay inay shacbigu ka gedoodaan, waxayna arintaasi […]