images/stories/ssss 5.jpg   Hargeysa (ANN) Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa meel mariyay  ansixinta kooxdii labaad ee  ka mid ah xubnaha Golaha wasiirada cusub oo uu madaxweynuhu magcaabay dhamaadkii July, kuwaas oo golaha loo soo gudbiyay sadex  maalmood ka hor. Waxaana fadhigii golaha  wakiilada  ee maanta lagu ansixiyay 9 xubnood oo isugu jira  Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno, kuwaas oo ay mudanayaashu mid mid ugu codeeyeen.

Fadhiga maanta ay mudanayaashu ku ansixiyeen  kooxdii labaad ee wasiirada, waxa gudoominayay  guddoomiyaha golaha wakiiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ka hor  intii aanay mudanayaashu guddo gelin ansixinta wasiirada, waxay xubnaha wasiirada siiyeen  mid walba shan daqiiqdo oo hadal ah, isla markaana  xoghayaha  guud ee golahaa C/risaaq Siciid Ayaanle ayaa golaha u akhriyay  Cv-yadooda.
Wasiirada ay maanta ansixiyeen mudanayaasha Golaha wakiiladu waxay kala ahaayeen sidan:
1. Wasiirka xannaanada, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday oo ay u codeeyeen 54 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustayna  may jirin.
2. wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid isna waxa ogolaaday in uu wasiir ka noqdo dalka jamhuuriyada somaliland 54-mudane, cid diiday iyo cid ka aamustayna  may jirin.
3. wasiirka caafimaadka Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen Xoog) waxa ogolaaday 54 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustayna  may jirin.
4. Wasiirka kalluumaysiga, khayraadka dabiiciga ah iyo maamulka dekedaha Maxamed Yaasiin Xasan waxa ogalaaday 54-mudane cid diiday iyo cid ka aamustayna  may jirin.
5. Wasiirka beeraha Faarax Cilmi Maxamuud 54 mudane cid diiday iyo cid ka  aamustayna may jirin.
6. Wasiirka ciyaaraha, dhalinyada iyo dhaqanka Maxamed Xaashi Madar 54 mudane cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin.
7. Wasiir-ku-xigeenka W/waxbarashada Cali Xaamud Jibriil waxa ogolaaday 54 mudane cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin.
8. Wasiir ku xigeenka hawlaha guud Cali Cabdi Saa´iq waxa ogolaaday 54-mudane cid diiday iyo cid ka aamustayna  may jirin.
9. Wasiir ku xigeenka caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan 54 mudane cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin
Maaha markii ugu horaysay ee ay Mudanayaasha Golaha wakiiladu ansixiyaan Golaha wasiirada ee Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo, hase yeeshee maalintii shalay ayaa Golahaasi ansixiyeen 11 Wasiir iyo saddex Wasiir ku xigeen, kuwaas oo mudanayaashu ku meel mariyeen  cod aqlabiyad ah.
Golaha wakiilada ayaa la filayaa inay Lix xubnood oo ka hadhay golaha wasiirada xukuumada cusub oo aan weli la hor keenin ansixiyaan maalmaha soo socda.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *