Hargeysa (ANN)- Laba xubnood oo ka tirsan Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa shalay  safar  ugu baxay Dalka  Britain, kuwaas oo ujeeddada safarkooda ku sheegay  inay halkaa u tegayaan, si ay u diyaariyaan  agabkii iyo waraaqihii codbixinta doorashada Madaxtooyada ee ay komishanka qaranku u  cayimeen  inay dalka ka qabsoonto 26-ka Juun 2010.

 

 

Labada xubnood ee hawshaa loo xilsaaray oo kala ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka Cali-khadar Xasan (Cali Kubad),  Raabi Cabdi  oo ah xubin ka tirsan Guddiga. Sidoo kale waxa labadaa xubnood ku weheliya safarka  la taliyaha  dhinaca sharciga ee Komishanka doorashada, waxayna xubnahaasi shalay  fiidkii ka duuleen  Madaarka diyaaradaha Caasimadda Hargeysa, isla markaana waxay warbaahinta u sheegeen inay soo qaadayaan, soona qiimaynayaan waraaqaha lagu codaynayo doorashada Madaxtooyada. kuwaas oo lagu soo samaynayo dalka Ingiriiska. Iyadoo la filayo inay hawshaasi qaadato mudo toban maalmood ah.
 
Dhinaca kale a doorashada Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa diyaargarawgoodu si weyn xawliya uga socdaan dalka, waxaana dabayaaqadii todobaadkii hore   la soo gebagabeeyey toddoba maalmood oo ay dalka ka socotay hawsha qaadashada kaadhadhka cusub ee diiwaangelinta oo lagu beddalayay kuwii hore ee la bixiyey wakhtigii diiwaangelintu dalka ka dhacday sannad ka hor. iyada oo qaadashada kaadhadh beddalku maanta si dhab ah dalka uga bilaabantay dhamaan degmooyinka Dalka oo ay socon doonaan mudo toban maalmoodah, si ay kaadhadhka u qaataan dadkii aan nasiibka u helin inay qaataan kaadhadhka cusub.

 

 

By,  Carraale  M. Jama

 Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *