Boorame(ANN) Wasiirka  Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Salaadiinta iyo waxgaradka gobolka Awdal ayaa fooda is daray kulan maanta ka dhacay huteelka Rays ee xarunta gobolka Awdal, kulankaa oo saacado qaatay ayaa ujeedadiisu

ahayd mid lagaga hadlayay arrimaha Nabadgelyada iyo xaalada deegaanka.
Kulanka Wasiirka arrimaha gudaha iyo Odayaasha ayaa ka danbeeyey ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay jiraan dhaqdhaqaaqyo mudaharaad oo laga wado deegaankaa, kaas sida wararku sheegayeen la xidhiidha xilka qaadista Taliyihii   ciidanka xeebta galbeed ee Somaliland  Mr. Maxamed Xudhuun oo mudo ka badan sideed sanadood ahaa taliyaha ciidanka Xeebta Galbeed, balse xilkaa laga qaaday markii ay dhowaan halkaa ka talaabeen malayshiyo hubaysan oo ka tirsan jabhada ONLF, kuwaas oo u talaabay dhinaca Ethopia markii ay kasoo degeen xeebta galbeedka Somaliland oo ay joogeen ciidanka Taliye Maxamed Xudhuun.
Kulanka ay isku waajaheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Gaboose iyo Odayaasha ayaa ahaa mid wasiirku kaga waramay ujeedada socdaalkiisa, isagoo u   sheegay inuu u yimid magaalada Boorame sidii uu u dhagaysan lahaa tabashooyinka bulshada gobolka Awdal. Kadibna  uu u  gaadhsiiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Dr. Gaboose wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu kormeerkiisa gobolada dhawaan ka bilaabi doono gobolka Awdal, waxaanu dadweynaha gobolka ka dalbaday inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasiloonida.

Wasiirku wuxuu u sheegay Odayaashaa in la  bedelay Taliyihii Ciidanka Qaranka ee gobolada Awdal iyo Salal, waxaanu yidhi “Waxaan la yaaban nahay haddii aad tihiin dadweynaha gobolka Awdal waxaad si sharaf leh u wareejiseen kursigii ugu  mudnaa qaranka ee madaxweynaha, inaad kursigan yar aad cabashadiina ku soo dartaan, waxaan idiin sheegayaa in xukuumadu dhagaysanayo tabashadiina,  waxaana la idinka dalbanayaa inaad nabad gelyada adkaysaan, ma jiro nacayb loo hayo dadweynaha gobolka Awdal.”

Dr. Gaboose wuxuu  si qoto dheer uga waramay marxaladihii dib u heshiisiintii iyo nabadeyntii beelaha Somaliland soo martay, waxaanu si weyn u ammaanay doorkii ay shacbiga reer Awdal ku lahaayeen, isagoo  tusaale u soo qaatay marti gelintii ay u sameeyeen shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland ku yeesheen magaalada Boorame 1993. Sidaa awgeed aanay isku mashquulin maxaa loo bedelay hebel oo shaqaale ah, taasna ay xukuumada waajibkeeda tahay, balse ay ka hadlaan wixii kale ee khuseeya iyaga.
Dhinaca  Suldaan  Ibraahim Jaamac Samatar, oo ka hadlay kulankaa  ayaa sheegay in aanay dadweynaha gobolka Awdal ku socon xaq darro hase yeeshee ay wax tabanayaan. Isagoo  xusay  inay ka xun yihiin oo aanay aqbali doonin in gef lagu bedelo Taliyihii ciidanka qaranka ee gobolada Awdal iyo Salal Maxamed Xudhuun.
Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Mudaharaad iyo rabshad waxba kuma doonayno waxaanu dawlada u soo jeedinaynaa inay  cadaadiska ka dayso gobolka Awdal oo aanay xuquuqda muwaadiniinta ku tuman, waxa jira in aanu saluugsan nahay saamiga reer Awdal iyo Salal laga siiyay dawlada cusub,”ayuu yidhi.
Suldaan C/Raxmaan Jaamac Dhawal, oo ka hadlay isaguna kulankaa  ayaa ku dooday  inay  xukuumada Somaliland ee cusubi shacbiga gobolka Awdal ku cadaadinayso wax uu ugu yeedhay  Maleeshiyadii sida Tuugada ah looga soo dejiyay xeebta galbeedka Somaliland, wuxuuna yidhi “Anagu markii horeba waxaanu qabnay tabasho,  waxaanu doonaynay inaanu Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenkaba kala hadalno, hase yeeshee waxaad moodaa Tuugadii ka soo degtay xeebta galbeed iyo tabashadayadii ay dawladu is dhex gelinayso waana wax aan is qabanayn.”

Suldaan Dhawal wuxuu cambaareeyay talaabada lagu bedelay Taliye Xudhuun oo uu ku ammaanay inuu ahaa sarkaal daacad ah oo xilkiisa ka soo dhalaalay.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay oday Ibraahim Magan Nuur iyo xubno kale waxaanay dhamaantood naqdiyeen bedelka sarkaalkaasi oo ay sheegeen inaanay raali ka hayn. Iyagoo Madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo jeediyeen inuu xukuumadiisa saami u qalma ka siiyo shacbiga gobolada Awdal iyo Salal.
Dr. Gaboose oo socdaalka Boorame ay ku weheliyeen Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashadda Cali Xaamud Jibriil iyo saraakiil Ciidanka Bilayska ka tirsan ayaa si cad ugu sheegay Odayaashaa in aanay ku dhegin maxaa loo bedelay hebel, isla markaana aanay isu arkin in dalka laga leeyahay, maadaama ay sideedii sanadood ee u danbeeyey dalka hogaankiisa hayeen. Sidaa awgeed ay muujiyaan kalsooni iyo inay ka shaqeeyaan nabadgelyada, waxaana gebegebadii kulankaa Odayasha iyo wasiirka Arrimaha guduhu u balameen inay isku soo noqdaan.   

Dhinaca kale ammaanka Magaalada Boorame ayaa aad loo adkeeyay waxaana laga hawl galiyay ciidamo ka tirsan ciidanka Milateriga  Somaliland, iyadoo mudooyinkii u danbeeyey tan iyo markii doorashada lagaga guulaystay madaxweynihii hore Daahir rayaale Kaahin oo kasoo jeeday deegaankaa waxa gobolka Awdal laga dareemayay dhaqdhaqaaq siyaasadeed, kuwaas oo lala xidhiidhinayo inay dabada ka wadaan kooxo intooda badani ka baxsan tahay xayndaabka siyaasada Somaliland, balse hagaya ujeedooyin kale oo la doonayo in lagu wiiqo nabadgelyada gobolka iyo xukuumada maamulka xukuumadda cusub ee Somaliland.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *