qarax madaxtooyada somaliaMogadishu(Araweelo News)Al-shabaab ayaa weerar iyo qaraxyo is miidaamin ah ku qaaday galabta xligii Afurka dhismayaasha Madaxtooyadda Villa Somalia, waxaana weerarka Al-shabaab ku

 

beegmay xili uu Madaxweynaha Somalia Xasan sheekh Maxamuud ka maqnaa Villla Somalia, isagoo ku sugnaa maanta gelinkii danbe oo dhan Garoonka Aadabn Cadde oo uu ku qaabilayay maanta masuuliyiin booqasho ugu yimi.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab Sheikh Abdiasis Abu Musab ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dagaalku weli socdo oo ay ciidamadoodu hawlgalo ka wadaan gudaha dhismayaasha Madaxtooyadda ee xarunta u ah dawlada Somalia.
Dhinaca kale sarkaal lagu magcaabo Mohamed Hussein, ayaa xaqiijiyay in ay kooxda weerarka soo qaaday ka dagaalamayaan qaar ka mid ah dhismayaasha Madaxtooyadda, waxaana la damiyay Laydhadhka Madaxtooyada, iyadoo weli laga maqlayo rasaas, isla markaana xaaladu ay kacsantahay.

waxa jira warar sheegaya in kooxda weerarka soo qaaday qabsadeen qaybo ka mid ah kaantaroolada Madaxtooyadda kadib markii ay khaarajiyeen askarta Ilaalada ka ahayd halkaa. sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ay kooxda weerarka soo qaaday gudaha u galeen dhismayaasha ay degan yihiin safaaradaha ethiopia iyo Djibouti oo ka mid ah dhismayaasha ku xeeran Villa somalia, balse warar dheerada oo si tafaftiran u xaqiijinaya khasaaraha weerarka iyo xaalada dhabta ah ee jirta.
Horaantii danadan ayay sidan oo kale Al-shabaab weeraro iyo qaraxyo wada socda ku qaaday dhimaha Villa Somalia ee xarunta u ah dawlada Madaxeyne Xasan Sheekh.himaha Villa Somalia ee xarunta u ah dawlada Madaxeyne Xasan Sheekh.

wixii kasoo kordha kala soco halkan

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *