safiirka Turkiga ee SomaliaMogadishu (Araweelo News Network)Dawladda Turkiga, ayaa si degdeg ah u go’aansatay inay xarunta Somalia ee magaalada Muqdisho kala baxdo shaqaalaheeda

 

ka hawlgala safaaradda ay ku leeyihiin halkaa, kadib markii laga dayriyey xaaladda ammaanka sii xumaanaya ee ay sii xoogaysteen dilalka iyo weerarrada Al-shabaab ka fuliyaan Somalia.

Warkan ayaa soo baxay markii safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Kani Turan, si kedis ah  isugu yeedhay shaqaalahooda ka hawlgala magaalada Muqdisho, isagoo amar ku siiyay inay si degdeg ah uga baxaan dalka Soomaaliya, kuna wargeliyey in aan xilligan la isku halayn karin ammaanka caasimadda Somalia ee Muqdisho.

shaqaalaha safaaradda Turkiga, ayaa  isla maanta qaarkood ka baxeen Muqdisho, iyagoo usii jeeda dalkooda, waxayna arrintani si weyn uga waalacisay dawlada Federaalka ee Xasan Sheekh oo dawlada Turkigu si weyn u garab taagnayd, isla markaana taageero dhaqaale iyo mashaariic waaweyn  ay dawlada Turkigu ka waday Magaalada Mugdishu, kuwaas oo gebi ahaanba la filayo in ay istaagaan haddii ay dawlada Turkigu  kusii socoto talaabadaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *