Mr. Ban Kin-moon wuxuu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyay shira caalamiga ah ee Soomaalida uga socda Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga, kaas oo ujeedooyinka ugu waaweyn ee lagaga hadlayaa yihiin xaalada amaanka ee Somalia iyo arrimaha dhinaca Badda eeAfduubka oo ay Budhcadbadeeda ka ugaadhsata maraakiibta marinka biyaha ee xeebaha Somalia oo dhibaato ku haya gaadiidka u kala goosha aduunka.

 

 

 

Xoghayaha guud waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la labanlaabo dedaalka la doonayo in xal loogu helo arrimaha ka taagan Somalia, isla markaana ay ahmiyad siinaynayaan dawlada ku meel gaadhka ah oo haysatay fursado dib u heshiisiineed, taas oo uu sheegay inay ahayd ahmiyada beesha caalamku ku taageeraysay. Sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in la helo qorshe iyo istiraatiijiyad xal loogu helayo arrimaha qalalaase ee ka jira Somalia.

Madaxweynaha dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia Sh. Shariif ayaa ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay shirkaa dhinaca Somalia, sidoo kale waxa ka qayb galay shirkaa masuuliyiin ka socota dhinaca maamul goboleedka Puntland, xubno ka socda Ururada Bulshada ee ka Jira somalia iyo Dulamaasiyiin ka socda dawladaha daneeya arrimaha Somalia, iyadoo dawlada Somaliland oo shirkan lagu casuumay aanay ilaa hada jirin cid sheegatay inay uga qayb gashay, waxa laga yaabaa in lasoo geba gebeeyo shirkaa maalinta beri ah, balse waxa aad u yar rajada laga qabo inay kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah oo wax ka bedela xaalada siyaasadeed aree arrimaha Somalia.

By, Carraale M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *