Hargeysa (ANN)- Laba xubnood oo ka tirsan Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa shalay safar ugu baxay Dalka Britain, kuwaas oo ujeeddada safarkooda ku sheegay inay halkaa u tegayaan, si ay u diyaariyaan agabkii iyo waraaqihii codbixinta doorashada Madaxtooyada ee ay komishanka qaranku u cayimeen inay dalka ka qabsoonto 26-ka Juun 2010.
Labada xubnood ee hawshaa loo xilsaaray oo kala ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka Cali-khadar Xasan (Cali Kubad), Raabi Cabdi oo ah xubin ka tirsan Guddiga. Sidoo kale waxa labadaa xubnood ku weheliya safarka la taliyaha dhinaca sharciga ee Komishanka doorashada, waxayna xubnahaasi shalay fiidkii ka duuleen Madaarka diyaaradaha Caasimadda Hargeysa, isla markaana waxay warbaahinta u sheegeen inay soo qaadayaan, soona qiimaynayaan waraaqaha lagu codaynayo doorashada Madaxtooyada. kuwaas oo lagu soo samaynayo dalka Ingiriiska. Iyadoo la filayo inay hawshaasi qaadato mudo toban maalmood ah.
Dhinaca kale a doorashada Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa diyaargarawgoodu si weyn xawliya uga socdaan dalka, waxaana dabayaaqadii todobaadkii hore la soo gebagabeeyey toddoba maalmood oo ay dalka ka socotay hawsha qaadashada kaadhadhka cusub ee diiwaangelinta oo lagu beddalayay kuwii hore ee la bixiyey wakhtigii diiwaangelintu dalka ka dhacday sannad ka hor. iyada oo qaadashada kaadhadh beddalku maanta si dhab ah dalka uga bilaabantay dhamaan degmooyinka Dalka oo ay socon doonaan mudo toban maalmoodah, si ay kaadhadhka u qaataan dadkii aan nasiibka u helin inay qaataan kaadhadhka cusub.
By, Carraale M. Jama
Hargeysa Office Araweelonews
E-mail; Info@araweelonews.com