TACSI  INAA’LLILLAAHI WAA INAA ILAYHI RAAJICUUN
DHamaan  Reer  Axmed  Faarax  Mataan

 MEEL WALBA AY KALA JOOGAANBA, WAXAY TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAYAAN QOYSKII IYO EHELIYADDII UU KA GEERYOODAY ALLA JANADDII FARDUUSA HA KA WARAABIYEE XAAJI CALI BOOTAAN.
 
AABE AXMED FAARAX MATAAN IYO HOOYO CAASHA XAAJI DUCAALE
MAXAMED AXMED FAARAX IYO XAASKIISA
CABDIRAXIIM MAXAMED AXMED
CABDIRAXMAN MAXAMED AXMED
HODON AXMED FAARAX
XUSEEN JIRE IYO FAADUMO AXMED FAARAX
XUSEEN NUUX XAAJI DUCAALE IYO KHADRA AXMED FAARAX
CABDILAAHI AXMED FAARAX
JAAMAC AXMED FAARAX IYO XAASKIISA IYO CARUURTIISA
CABDIRAXMAAN AXMED FAARAX IYO XAASKIISA
HIBO AXMED FAARAX
CABDIRISAQ AXMED FAARAX
XUSEEN AXMED FAARAX
 
DHAMAANTOOD OO KALA JOOGA HARGEYSA, BRISTOL, QAAHIRA, OSLO, KRISTIANSAND IYO MAGAALADA ÅLESUND EE DALKA NORWEY, WAXAY ILAAHAY UGA BARYAYAAN INUU NAXARIISTII JANNO KA WARAABIYO, QOYSKII IYO EHELADDII UU KA BAXAYNA SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO…AAMMIIN AAMMIIN.
 
TACSI Marxuum Xaaji Cali Bootaan Cabdi

Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan  tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan  Gobalka Marodijeex ee Xaaji Cali Bootaan Cabdi  ka soo jeeday.
  
Alleh Ha u naxariistee marxuumku waxuu ka mid ahaa  Odayaasha Waaweyn ee Reer Somaliland isla markaana ka mid aha Ganacsatada ugu waaweyn Dhulka  Soomalida  ahaana Oday qaradin iyo xishmad shacabka dhexdiisa ku lahaa. Waxaa lagu xusuustaa doorka weyn ee uu ka qaatay nabadgelyada ay ku faanto Maanta Somaliland iyo Dhidib u taagidda Somaliland. Sidoo kale ayuu ahaa nin door weyn ku lahaa xoreentii dalka ee lixdankii iyo nabadeynta beelaha Soomaliland tan iyo yaraantiisii.
 
Marxuum Xaaji Cali Bootaan Cabdi oon saaxiibtinimada aabahay aan ku xusuusto, waxa noo dheer xididnimo iyo abtinimo. Marxuum Xaaji Cali waxa maanta oo sabti ah 02/10/2010 lagu aasay xabaalaha Masalaha ee Hargeysa.

Marxuum  Xaaji Cali Bootaan Cabdi, cimrigiisu waxuu la dheeraday diin jaceyl iyo cibaado badan. Waxuu ahaa oday nabad doon ah, af-gaaban oon tasbiixda ka daalin iyo nin ganacsigu ka mashquulin camiraadda masaajidda. Waxaana laga dareemay sida maanta looga soo qayb galay aaskiisa, oo masjidka weyn ee Al-Huda inta la buuxiyey waliba debedda lagu tugaday, iyo khalqiga iskaga yimid daafaha magaalada  oo min Madaxweyne ilaa dhalinyaro loo galbiyey ilaa iyo halka qabrigiisu ahaa oo ah MASALAHA, kuufurta Garoonka Dayuuradaha ee Hargeysa.  

 Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

Ahmed Arwo
Cardiff UK
 samotalis@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *