Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Golayaasha Guurtida iyo Baarlamaanka

Jamhuuriyada Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum, Xildhibaan Cali Aadan Qalinle oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa 08.08.2014, laguna aasay.

Xildhibaanka oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida kana mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee mudada dheer ka tirsanaa golaha Guurtida, kana soo shaqeeyey nabadayntii beelaha Somaliland, iyo dib u dhiskii dalka, hadana ka mid ahaa odayaasha iyo xildhibaanada wakhtigooda ugu badan ku bixin jiray wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha shacbiga Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa dhamaan Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland guud ahaanba, isaga oo marxuumkana ALLE uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golaha Guurtida, Golaha Baarlamaanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna  Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *