Alle ha u Naxariistee waxa  Saaka  ku geeriyooday magaalada Hargeysa Xaaji Cali Bootaan Cabdi,   Marxuumka oo  ayaa xaaladiisa caafimaad liidatay waxaana la dhigay  Cusbitaalka Edna oo uu ku geeriyooday.

 

 
Alleh Ha u naxariistee marxuum Xaaji Cali Bootaan, wuxuu   ahaa  Odayaasha Waaweyn ee Reer Somaliland, isagoo ka mid ahaa Ganacsatada ugu waaweyn Dhulka  Soomalida  ee inta badan la yaqaanay, isla markaana wuxuu ahaa Oday qaradin iyo xishmad Bulshada  dhexdeeda  ku lahaa, wuxuuna marxuumku ahaa   odayaashii doorka lama ilaawaanka ah kasoo qaatay Nabadayntii Beelaha Somaliland, taas oo aasaas u ahayd  dhismaha qaranimada  Somaliland. Marxuumka  ayaa waxaa maanta lagu aasay Xabaalaha Masalaha ee magaalada Hargaysa, waxaana aaskiisa ka qayb galay boqolaal qof oo qaybaha kala duwan ee Bulshada,  masuuliyiin ka socotay xukuumada, xidhibaano iyo dad kale.
Maamulka Shebekada wararka ee araweelonews waxay tacsi u dirayaan qoyskii qaraabadii iyo umada Somaliland geeridaa naxdinta leh,  waxayna Illaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo isagana janadii fardawsa Illaahay ka waraabiyo Inaa lilaah wa inaa ilayhu raajiciin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *