Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Caafimaadka 

Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo ku geeriyooday 24/09/2014 Magaalo Madaxda Togdheer ee Burco.

Marxuumka oo ka mid ahaa Dhakhaatiirta waa weyn ee dalka kana mid ahaa dadkii fara-ku-tiriska ahaa ee ka qaybqaatay dib u dhiska dalka, wakhtigooda ugu badana geliyey sidii bulshadeenu u heli lahayd caafimad taam ah, sidoo kalena ahaa aqoon yahan iyo waxgarad door muhiima ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalkaba.
Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Bahda caafimaadka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *