Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid  Aabbihii Cabdilaahi

 

Ismaaciil Shire oo ku Geeriyooday Gobolka Awdal gaar ahaan Boorama 16/03/2012,
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuuumku.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada JSL  Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL, Mudane Cabdi Xasan Madar, Agaasimaha Protocol-ka Madaxtooyada JSL  Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case),  Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada JSL Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Xarbi, Agaasimaha Xafiiska Sama-falka Madaxtooyada JSL Marwo, Aamina Maxamuud Diiriye

Sidoo kale La-taliyaha Arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Marwo. Aamina Xaaji Axmed Miisaan.  Agaasimaha Xafiiska Xidhidhka Golayaasha, siyaadda iyo xidhiidhka dadweynaha, Mudane, Bashiir Cabdi Xariir

Dhamaan La-taliyeyaasha Madaxtooyada  iyo Shaqaalaha ka Hawl-gala Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxay tacsi u dirayaan Madaxweyne ku-xigeenka JSL,  iyagoo  ka tacsiyadaynayaan Geerida ku timid Aaabbihii MARXUUM CABDILAAHI ISMAACIIL SHIRE oo ku geeriyooday Boorama 16/03/02012 laguna aasay Boorama.
Waxay Ilaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *