-
Published On: Fri, Mar 23rd, 2012

Tacsi Geerida Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland

Smiley face
Share This
Tags

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali , waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo  guud ahaan shacbiga reer Somaliland  ee uu ka baxay Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum MAXAMED SAQADHI DUBAD oo shalay ku

 geeriyooday Imaaraadka Carabta.
 Guddoomiyuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland  ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
 Aamiin Aamiin
Sidoo kale Shebekadda Araweelonews, waxay tacsi taa la mid ah u diraysaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo  guud ahaan shacbiga reer Somaliland  ee uu ka baxay Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum MAXAMED SAQADHI DUBAD oo shalay ku geeriyooday Imaaraadka Carabta, isla markaana maanta lagu aasay halkaa. Waxayna Illaahay uga baryayaan Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland  ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>