Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid Aabbihii Cabdilaahi
Ismaaciil Shire oo ku Geeriyooday Gobolka Awdal gaar ahaan Boorama 16/03/2012,
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuuumku.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL, Mudane Cabdi Xasan Madar, Agaasimaha Protocol-ka Madaxtooyada JSL Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case), Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada JSL Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Xarbi, Agaasimaha Xafiiska Sama-falka Madaxtooyada JSL Marwo, Aamina Maxamuud Diiriye
Sidoo kale La-taliyaha Arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Marwo. Aamina Xaaji Axmed Miisaan. Agaasimaha Xafiiska Xidhidhka Golayaasha, siyaadda iyo xidhiidhka dadweynaha, Mudane, Bashiir Cabdi Xariir
Dhamaan La-taliyeyaasha Madaxtooyada iyo Shaqaalaha ka Hawl-gala Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxay tacsi u dirayaan Madaxweyne ku-xigeenka JSL, iyagoo ka tacsiyadaynayaan Geerida ku timid Aaabbihii MARXUUM CABDILAAHI ISMAACIIL SHIRE oo ku geeriyooday Boorama 16/03/02012 laguna aasay Boorama.
Waxay Ilaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN