Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Golaha wakiilada iyo Golaha guurtida Somaliland oo uu ka taciyadaynaayo geerida ku timid XILDHIBAAN AADAN TARABI Oogle oo ka mid ahaa

xildhibaanada Golaha Baarlamaanka.

sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo  guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuumkaa oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa maanta (22/01/2013).

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha wakiilada, Golaha guurtida Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Tacsi

Wasiirka  Wasaaradda Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Reygal, Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi , Gudoomiyaha Gobolka Saraar Ibraahin Xasan Cali , Gudoomiye Xigeenka Gobolka Saraar Ibraahin Jaamac Maxamed, Maayarka Degmada Caynaba

Faysal Axmed Jaamac, Maayar Xigeenka Caynaba Cali Xaaji Maxamuud , Maayarkii hore ee Caynaba Khaliif Ismaaciil Saleebaan, Agaasimaha Xafiiska Samafalka Saraar Farxaan Maxamed Jaamac, Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Saraar Maxamed Aadan Dirir Soocane,  Jaamac Boodacade, Ayaanle Maxamed Aadan iyo Cabdule Taano Gaabow.

 

Dhamaan masuuliyiintaa iyo dadkaasi waxay Tacsi u dirayaan iyagoo ka  tiiraanyaysan geerida ku timi Xildhibaan Marxuum Aadan Tarabi Oogle oo 22 /01/ 2013. ku geeriyooday Magaalada Hargeysa waxana ka tacsiyaynayaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Golaha wakiilada, Golaha guurtida Asxaabtii iyo Bulshada Somaliland iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku oo samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo, Marxuumkana waxay Illaahay uga baryayaan  inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Inaa Lilaah wa Inaa Ilayhi Raajucuun

Tacsi

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL, Siciid Maxamed Siciid, Dahabshiil BOD member, Awil Saalax, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad,  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Xildhibaan Aadan Tarabi Oogle, oo 22 January 2013 ku geeriyoodey magaalada Hargeisa. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna Ilaahay ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka uu ka baxay, gaar ahaan Golaha Wakiillada oo uu muddo dheer ka tirasanaa; marxuumkana Eebbaheen Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *