Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa xukuumada iyo shacbiga Djibouti oo

uu ka tacsiyadaynayo geeridii ku timid ALLE HA U NAXARIITSEE MARXUUM JAAMAC MAXAMUUD XAYD oo ahaa gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidoo kale waxa uu ka tacsiyadaynayaa geeridaasi eheladii iyo qaraabadii marxuum jaamac Maxamuud Xayd, waxa uu illaahay uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo eheladii iyo shacbiga jabuutina uu samir iyo iimaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi, Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cali Yuusuf Axmed, Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Md. Mustafe Maxamuud Qodax,Cumar Maxamed Faarax, Maxamed Aadan Cabdilaahi Summuni, Baashe Shalay maray, Jaamac Koosaar Axmed, Khadar Koosaar Muxumed, Naasir Ibraahim Carte
Dhammaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan qoyskii ALLE ha u naxariistee Gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud Xayd oo xalay ku geeriyooday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo xaalad caafimaad loo geeyay.
Waxaanay ILAAHAY uga baryayaan marxuumka Inuu Naxariistii jano ka waraabiyo qoyska reer Maxamuud Xayd iyo shacbiga, dawalada Jabuutina samir iyo iimaan ka siiyo AAMIIN AAMIIN.

DHAMBAAL TACSI AH

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa dhambaal tacsi ah oo uu soo gaadhsiiyey shabakaddani Gabilay.net goor dhawayd wuxuu tacsi u diraya shacabka iyo dawlada reer Jibouti geerida ku timid Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo ahaan jiray Guddoomiyahii Baanka Jibouti.

Muuse Biixi wuxuu Ilaahay uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo dhammaanba reer Maxamuud Xayd, qarabadii, iyo shacabka reer Jibouti iyo Reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah inuu ilaahay ka siiyo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo madax badan oo ka tirsan dawlada jabuuti ayaa ka qayb geli doona aas qarran oo dalka Jibouti loogu samayn doono alla ha u naxariistee marxuun Jaamac Maxamuud Xayd.

Sidoo kale Tafaftiraha shebekada araweelonews, Carraale Maxamuud Jaamac, hawlwadeenada iyo weriyayaasha bahda araweelonews,iyagoo ka tiiraanyaysan geerida marxuum Jaamac Maxamuud Xayd waxay tacsi taa la mid ah u dirayaan shacbiga dalka Djibouti iyo qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay Marxuumku, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu janadii fardawsa ka waraabiyo Marxuumka, Qoyskii , Ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

DHAMBAAL TACSI AH

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maaulaha SOMTEL, Awil Saalax, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad, iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Jabbuuti oo Ilaahay oofsaday 11 January 2013. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Somalida, gaar ahaan Shacabka reer Jabbuuti; marxuumkana Eebbaheen Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

DhAMBAAL TACSI AH

Ganacsade Cali Ibraahim Ciise.Xildhibaan Muxumed Aw-Axmed, Ganacsade Cismaan Sheekh C/qaadir Sheekh Yoonis,  Cali Sheekh C/qaadir Sheekh Yoonis, Maxamed Sheekh C/qaadir Sheekh Yoonis, C/raxmaan Cali Giire,  Siciid Cilmi Tukaale, Ibraahin Muxumed Macalin, Axmed Sandoon Xasan, C/Kariim Sandoon Xasan, Axmed Cumar Xuseen

Dhammaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan qoyskii ALLE ha u naxariistee Gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud Xayd oo xalay ku geeriyooday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya,
Waxayna  Illaahay  uga baryayaan marxuumka Inuu Naxariistii jano ka waraabiyo qoyska reer Maxamuud Xayd iyo shacbiga, dawalada Jabuutina samir iyo iimaan ka siiyo AAMIIN AAMIIN
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Sidoo kale La-taliyaha Madaxweynaha Soomaliland Ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo oo dhabbaal tacsi ah soo gaadhsiiyay shebekada araweelonews, ayaa yidhi,

Waxaan tacsi u dirayaa xaaska, tafiirta, ehelka walaal iyo waalid iyo asxaabta marxuumka. Waxaan sidoo kale tacsida u dirayaa dhammaan xukuumadda iyo shacbiga Jabuuti iyo Soomalilandba. Waxaan marxuumka u rajeynayaa naxariis Alle iyo in rabigeen ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardows. Ehel iyo asxaabna aynu u duceyno marxuumka, saamaxno oo aynu laasimno duco iyo samir. 

Jaamac Maxamuud Xayd Alle ha u naxariistee wuxuu hormood ka ahaa kobcinta dhaqaale iyo horumarka guud ee dalka jabuuti, isagoo ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe muddo 15 sannadood ah isagoo intuu xilkaasi hayey ku guuleystay inuu soo jiito maalgashi shisheeye oo Carab iyo dunida kaleba leh, waxaana ka dhashay shaqo abuur iyo dhaqaale korodh dhaliyey deganaanshe siyaasadeed oo ku yar buqcadda ay Jabuuti ku taal. Alle waxaan u baryayaa inay Jabuuti ku socoto dhabaha horumarka iyo nabadda.

Waxaa lagu xusuustaa sida franka Jabuuti u noqday mid ka samoto baxa ciirciirka lacagaha dunida seddexaad. Waxaan marna  la iloobayn kaalinta libaax ee uu ka qaatay adkeynta iyo horumarinta xidhiidhka labada dale ee walaalaha ah Jabuuti iyo Soomaliland. Allow ugu naxariiso wanaagu falay iyo bulshada uu gacan qabtay ee ku nool, labada dal. Aamiin.

Inaa lilaa wa innaa ileyhi raajacuun.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *