Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Faysal Cali Sheekh, Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha

Jamhuuriya Media Group (JMG) Khaliif Nuux Sheekh, Maareeyaha JMG Mustafe Sacad Dhimbiil, Tifaftiraha The Republican Xuseen Cali Nuur, Keyse Axmed Digaale, Siciid Axmed Cabdi, Cabdirashiid Cali Sheekh, Cali Jaamac Maxamed, Cabdillaahi Ibraahim Maxamuud (Beershiya), Siciid Yuusuf Xuseen, Siciid Jaamac Cabdi, Ibraahim Khadar Siciid, Cabdirisaaq Xuseen Jaamac, Maxamed Diiriye, Khadar Siciid Yuusuf, Cabdiraxmaan Ismaaciil, Jaamac Maxamed Cabdi, dhammaan shaqaalaha iyo hawlwadeennada JMG.
————————————————————————————————————————————-
Xuseen Cali Nuur, Mijir Qaaddi, Axmed Siciid Cige, dhammaan bahda saxaafadda Somaliland iyo guud ahaan bahweynta warbaahinta Soomaaliyeed waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan bulshada saxaafadda Soomaalida ee uu ka baxay Allaah ha u naxariistee weriyihii caanka ahaa ee Marxuum Weli Xaaji Cali Caynabo oo 19/04/2013 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Marxuum Weli Xaaji Caynabo oo ahaa suxufi ruug-caddaa ah waxa guud ahaan bulshada afka Soomaaliga ku hadlaa ku xasuusan doonaa qiiradii waddaniyadda ku dhisnayd ee uu isagoo ciyaarihii gobollada si toos ah u baahinayey mar qudha sida lama filaanka ah ugu dhawaaqay ‘Annagaa wadana,’ kadib markii uu isagoo is illowsan si qiire ku dheehan tahay makarafoonka uga taageeray ciyaaryahannadii Gobolka Togdheer oo la ciyaarayey dhiggooda Kismaayo.
Dhammaan asxaabtaasi waxay marxuumka Ilaahay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaan inta uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin…. Aamiin….

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *