Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan

 tacsi u diryaa Reer Jirde Xuseen iyo reer Gaaxnuug Cabdilaahi iyo tafeertooda daafaha dunida ku kala nool geerida naxdinta leh ee ku timid habarwadaagtay marxuumad Saakin Jirde Xusseen oo maanta oo Thalaatha ah Taar. 21/09/2010 lagu aasay magaalada Hargeysa, Xabaalaha Xeedho. Waxaan sidoo kale tacsideynayaa waalidka marxuumada, ehel , asxaab, qaraabada, xigto iyo xigaal meel kasta ooy joogaanba, waxaan leeyahay samir iyo iimaan. Waxaan gaar ahaan u tacsiyeynayaa Maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa iyo dhammaan inta Saakin kala soo shaqaysay arrimaha caafimadka ee Soomaliland iyo Soomaliyaba. Sidoo kale waxaan tacsi gaar ah u dirayaa Gobalka Maroodi-jeex ee ay ab iyo hooyaba ka soo jeeday.

Anigoo taariikh nolaleedkeeda mar dambe soo qori doona aan wax yar ka iftiimiyo. Marxuumad Saakin Jirde, waxay ahayd ruux naxriis badan, jecel danyarta iyo inta itaalka darran, af-gaaban, hawlkar aan aqoon wahsi iyo nasasho, iyadoo cimrigeeda oo dhan ku qaadatay hawlaha la xidhiidha daryeelka caafimaad  nooc kastaba, kana soo shaqaysay Afrika, Aaasiya iyo Yurub, ugu danbayna u hurtay nafteeda inay u soo noqoto ooy ka hawl gasho adeega bulsho ee dadkeeda, ka dib burburkii dagaalkii xorraynta iyo dib ula soo noqoshada qarannimada Soomaliland.
Waxay ilaa ayaanta ay naftu ka baxday ahayd xubin ka tirsan Guddiga Maamulka Cisbitaalka Hargeysa,(Hargeysa Health Board), ooy si gaar ah ugu xilsaarnayd arrimaha farmasiiga iyo maamulka daawada, gaadiidka cisbitalka iyo xil gaar ah ooy iska saartay Waaxda Dhimirka.

Illaahay ha siiyo marxuumad Saakin Jirde Xuseen naxariistiisa, hana ka yeelo kuwa uu ku manaysto Janatul Fardows, qabriga ha u nuuro, oo howga dhigo beer ka tirsan janada. Waxaan ka codsanayaa inta taqaan, iyo inta akhrisata tacsidanba inay u ducayso. Dhammaanna waxaan idin leeyahay samir iyo iimaan.     

Ahmed Arwo
Hargeysa
409 6421
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *