Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM CHIEF CAAQIL CABDILAAHI SHARAAFI DHEGACADE oo ka

mid ahaa Madax-dhaqameedka Deegaanka Buuhoodle oo Caawa ku geeriyooday Columbus-Ohio ee Cariga Maraykanka.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid, Maamulaha R& ME Cabdiraxmaan Cali Cabdi, Deputy CEO for R&ME, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL, Cawil Saalax, Maamulaha DBI Dr. Suleiman Walhad  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Cabdullahi Shariif , oo ahaa shakhsiyad aad ugu dheer bahda Shirkadaha Dahabshiil, oo ku geeriyoodey carriga Maraykanka, 2 7 January 2012. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan asxaabtiisiiba; marxuumkana Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *