Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii ALLE ha u naxariistee Wasiirkii hore ee wasaaradda Warshadaha Marxuum- Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa isla markaana lagu

aasay.

Madaxweynaha Somaliland waxa dhambaalkiisa tacsida ahi u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid MARXUUM AXMED JAAMAC BOOTAAN (DAANIYE) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 04/02/2012.
Marxuumka oo mar ahaa wasiirka wershadaha ee Somaliland wakhtigii Xukuumadii horel.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
Dhinaca kale weriyayaasha iyo hawlwadeenada shebekada Araweelonews, waxay tacsi u dirayaan qoyskii qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum  Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye), waxayna Illaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo marxuumkana janadii fardawsa ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.أنا لله وأنا إليه راجعون

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *