Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan

 

Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM AADAN MAXAMED MIRE (WAQAF) oo ku geeriyooday Dalka Maleysiya, Xilal kala Duwana ka soo qabtay Dalka JSL, markii ugu Danbaysayna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Xisbiga UCID.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
أنا لله وأنا إليه راجعون

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Dhamaan Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo dhamaan Xubnaha kale ee Xisbiga UCID waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Hogaankii hore ee Xisbiga UCID

Marxuum Aadan Maxamed Mire Waqaf

Waxaanu Eebo uga baryaynaa inuu ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalanadna samiir iyo Iimaan saadiqa ka siiyo gaar ahaan Qoyskii, Ehliyadii Qaraabadii uu ka baxay Marxuumku.

Aamiin Aamiin Aamiin

أنا لله وأنا إليه راجعون

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL, Awil Saalax, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad,  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum ADAN MOHAMED MIRE (ADAN WAQAF) oo ku geeriyoodey 09 January dalka Malaysiya. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha kasiiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii; marxuumkana Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo.Aamiin.Aamiin.

Tacsi: Marxuum Aadan Maxamed Mire Waqaf
Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, ka reer Cabdi Carwo waxaan tacsi u dirayaa Xaaska , ehelka, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba.
Waxaan kale oon tacsida u dirayaa Reer Soomaliland guud ahaan iyo axsaabta siiyaasadda ee uu magaca weyn ku lahaa.
Marxuumku wuxu ka mid ahaa rag saaxadda siyaasadda magac ku lahaa oo si habboon oo asluub leh uga dhex muuqday tan iyo bilowgii dimuquraadiyada Soomaliland.. Marxuum Aadan Waqaf waxuu soo qabtay xilal badan ilaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Guddoomiye xigeenka xisbiga UCID.

Allaha U naxariistee Marxum Aadan Maxamed Mire Waqaf, waxuu ahaa nin Alle cabsi iyo af-gaabni ku caan baxay.

Waxaan Alle u baryayaa inuu ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardows, inagana dhammaan haynaga yeelo kuwa laasimno duco iyo samir.Amiin.Aan xusuusano geerida oo aynu u sahay qaadano lama huraanka iyo gurigaan laga goboobayn, lagana xanuunsanayn.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *