-
Published On: Wed, Aug 6th, 2014

TACSI MADAXWEYNE: Laba Oday Oo Geeriyooday

Smiley face
Share This
Tags

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka bexeen Marxuumiinta kala ah Maxamed Yusuf Jaamac (Dhegay) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa iyo Marxuum Suleebaan Haybe Xaaji Dude oo ku geeriyooday magaalada Burco.

Labadaa Marxuum oo ahaa Odayaashii iyo waxgaradkii kaalinta weyn ka soo qaatay dhismaha qaranka iyo nabadiisaba waxa uu madaxweynuhu ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena  Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>