IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxay Maareeyihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo 8 August 2014, ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay, waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah odayaasha Saxaafada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

Sidoo kale Xoghayan Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  Maxamed Rashiiid Muxumed Faarax oo ku hadalaya magaca Ururka Suxufiyiinta, ayaa tacsi u diray Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir oo ka mid ahaa xubnaha kasii nool Ruug-cadaayadii Saxaafadda Somaliland oo 6 August 2014 ku geeriyooday Magaalada hargeysa, waxayna Illaahay uga Baryeen Marxuumka inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo  oo qabriga u nuuro dhamaanteena Samir iyo Iimaan saadiq ah inaga siiyo
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Tacsi taa la mid ah waxa diraya Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network iyo Arraweelo.com Carraale Maxamuud Jaamac iyo dhamaan weriyayaasha iyo hawlwadeenada shebekaddaha Araweelooyinka, waxayna tacsi u dirayaan Muuse Faarax Jaanbiir oo ay Marxuumka walaalo ahaayeen,  Bahda Saxaafada,  dhamaan Qoyska reer Jaanbiir, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir oo ka mid ahaa xubnaha kasii nool Ruug-cadaayadii Saxaafadda Somaliland, oo 6 August 2014 ku geeriyooday Magaalada hargeysa, waxayna Illaahay uga Baryeen Marxuumka inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo oo qabriga u nuuro dhamaanteena Samir iyo Iimaan saadiq ah inaga siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *