Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu tacsi u dirayaa Cullimo Awdiinka Dalka,

Ehelkii, Qaraabadii,Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Axmed Cali Weerar oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti oo marxuumka loogu qaaday Xaalad Caafimaad dhawaan

Marxuumka oo da’adiisu ahayd 85 Jir waxa uu ka mid ahaa Cullimada dalka magaca ku leh ee aadka loo qadariyo isaga oo marxmuumku  Ifka kaga tegay 115 Caruur ah oo  isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku  Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Cullimo Awdiinka Dalka, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo dhaqanka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir  (Cukuse), waxa uu tacsi u dirayaa Cullimo Awdiinka, waxgaradka Dalka, Ehelkii, Qaraabadii,Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Axmed Cali Weerar oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti marxuumka oo u geeriyooday xanuun beryahanba uu u jiifay looguna qaaday dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti oo marxuumku ku geeriyooday 19/01/2014.
Marxuumka oo da’adiisu ahayd 85 Jir waxa uu ka mid ahaa Cullimada dalka magaca ku leh ee aadka loo qadariyo bulshada dhexdeeda isaga oo marxmuumku  Ifka kaga tegay 115 Caruur ah wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleenba.
Waxaan Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, intii uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ka siiyo. AAMIIN AAMIIN.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *