-
Published On: Sat, Feb 8th, 2014

TACSI MADAXWEYNE

Smiley face
Share This
Tags

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Ikraan Xaaji Daa’uud Warsame, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Aabeheed Xaaji Daa’uud Warsame Nageeye oo ku geeriyooday Boorama,

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Daa’uud Warsame Nageeye oo ku geeriyooday 08/01.2014, Boorama,Marxuumka oo ka mid ahaa odayaashi ka soo qayb qaatay dib u dhiskii Qaranka iyo nabadayntii beelaha wada dega Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo  Shacbiga Somaliland uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>