IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu tacsi u dirayaa Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha iyo Shacbiga Somaliland meel ay joogaanba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Garaad Cabdillaahi Garaad Soofe Duraan oo ku geeriyooday 19.07.2014 Gobolka Buuhoodle.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Tacsi taasi la mid ah u dirayaa Mudane. Cismaan Garaad Soofe Wasiir ku xigeenka  Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Garaadku.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Shacbiga Somaliland , Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ALLE inaga siiyo dhamaanteen.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *