-
Published On: Sat, Jul 23rd, 2011

Tacsi Madaxweyne Geerida Marxuum Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo)

Smiley face
Share This
Tags

Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda Waxbarashada,

 

 

Xisbiga UDUB iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku MARXUUM, YUUSUF CIISE DUCAALE (TALAABO) oo ku geeriyooday Waddanka Kiiniya (Nairobi) Maanta 23-07-2011.

Marxuumka oo ahaa Masuul Xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii hore ee JSL, kana mid ahaa ururkii Dhaqdhaqaaqa Xornimada ee SNM, qayb libaaxna ka qaatay Dib u dhiska nabadaynta ama hubka dhigista ee Maleeshiyo beleedkii markii danbe noqday xooga Ciidamada JSL,

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>