Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale,

gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum KEYSE XASAN CIGE ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa   Madaxweynaha, xisbiga KULMIYE hoggaan iyo taageeraba, xukuumadda, shacbi weynaha Somaliland, gaar ahaan  gobalka Maroodijeex ee uu ka soo jeeday
KEYSE XASAN CIGE, waxuu ahaa siyaasi mustaqbal wacan, halgama danata guud hagto, nin nolasha u arkayey geedi u baahan dhaxal reeb iyo raad laga tago. Waxuu ka mid ahaa tiirarka ugu weyn ee xaqiijiyey isbedelka dalka ka dhacay. Waxuu ahaa xudunta xisbiga KULMIYE oo uu hayey mansabka Xoghayaha Guud.  Waa nin lagu xusuusan doono daacadnimo iyo hammi dheer, u-hiiliye dan yarta iyo dhalinyarada.
Keyse waxuu ku geeriyooday Jabuuti maanta 17/7/2011 isagoo dhowaan ka noqday socdaal uu ku yimid Sweden iyo U.K, xanuun kedis ah oo laba cisho hayey ayuu u dhintay. Geeriduna waa xili iyo goob qoran, waana mid wax lagu qaato.
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

http://samotalis.blogspot.com/

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Ganacsiga iyo Maalgashiga
eci.advisor@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *