Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Ikraan Xaaji Daa’uud Warsame, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Aabeheed Xaaji Daa’uud Warsame Nageeye oo ku geeriyooday Boorama,
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Daa’uud Warsame Nageeye oo ku geeriyooday 08/01.2014, Boorama,Marxuumka oo ka mid ahaa odayaashi ka soo qayb qaatay dib u dhiskii Qaranka iyo nabadayntii beelaha wada dega Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN