Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Urur siyaasadeedka Waddani, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee Urur siyaasadeedka Waddani  ALLA ha u naxariistee

CABDILAAHI SICIID DHEERE oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay Berbera iyo Hargeysa Dhexdooda.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
MARXUUM CABDILAAHI SICIID DHEERE waxa uu ka mid ahaa aqoon yahankii ka soo qayb qaatay nabadayntii iyo dawladnimada Somaliland,

wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb qaatay bilowgii nidaamka dimu-quraadiyada ee Somaliland ka hana qaaday.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Urur siyaasadeedka Waddani, Masuuliyiintiisa iyo taageerayaashiisa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland,  ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *