Inaa Lilahi Wa Inaa Illayhi raajicuun
Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda

 

Tacliinta, Bahda Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) oo 1 Oct 2012,  ku geeriyooday Cusbitalku-yaal Magaalada Oslo ee Wadanka Norway oo marxuumku beryahaaba u jiifay Xaalad Caafimaad.

ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ka mid ahaa hal-doorkii hormuudka u ahaa xoraynta dalka iyo baraarujinta ummaddeena, waxa uu ka mid ahaa aqoon yahanadii Qoraalka Afka-somaliga salka u dhigay,

ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ahaa aqoon yahan hal-abuur ah karti leh aragti horumarsana leh, waxa kale oo uu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha nabadgelyada, dawladnimada, dimu-quraadiyada Somaliland.

MARXMUUKU, waxa uu ahaa halyey qaran oo taariikh ku leh Ummadda Somaliland, qayb libaaxna ka soo qaatay halgankii loo soo galay dib ula soo noqoshadii Somaliland ee ay ku timid in uu dalkani noqdo qaran madaxbanaan.

Madaxwaynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda weynta Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo

AAMIIN  AAMIIN . AAMIIN

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Tacsi

Hogaanka sare ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka ucid,Gudida fulinta,Golaha dhexe iyo Dhamaan Taageerayaasha xisbiga ucid waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan DHAMAAN SHACBIWAYNAHA REER SOMALILAND igoo ka tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid MARXUUM ABWAAN MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) Abwaanka oo 1 Oct, 2012  ku geeriyoodey WADANKA  NORWAY gaar ahaan OSLO oo uu in mudo ah ku xanuusaneyey

Waxaana llaahay  uga baryeynaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo  dhamaan ummada  reer Somaliland yo bulshada soomaalyeedna Samir iyo iimaann saadiqa ka siiyo,gaar ahaan QOYSASKII,EHLIYADII   IYO QARAABADII uu marxuumku ka baxay

Aamiin     Aamiin       Aamiin

Tacsi

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun  

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R&ME Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R& ME, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL, Cawil Saalax, COOga SOMTEL Axmed Cabdullaahi Caynaanshe,  Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadaha Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii, bahda suugaanyahannada iyo fanka,  iyo dhammaan ummadda af Soomaaliga ku abtirsata ee uu ka baxay marxuum Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” , oo 1 Oct, 2012  ku geeriyoodey dalkaNorway. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Somaliland iyo Soomaaliyeedba; marxuumkana Jannadii  Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.
Tacsi
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi wuxuu isagoo  ka tiraanyaysan Tacsi u dirayaa Bulshada ku hadasha Af-soomaaliga,  qoyskii Qaraabadii iyo shacbiga Somalland iyo bulshada Somaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo ay saaxiibo mudo dheer halgan ku wada jiray  ahayeen, waxaanu Illaahay uga baryayaa Marxuumka Inuu Janadiisa Fardawsa geeyo.

Inaa Lilahi Wa Inaa Illayhi raajicuun
Tacs
Dhamaan Jaaliyada reer Somaliland ee Cardiff waxay tacsi u dirayaan Ehelkii iyo Qaraabadii iyo dhamaan shacabka reer Somaliland geeridii ku timid Allah ha u naxariistee Professor Abwaan Moxamed xashi Dhamac “Gaariye” oo bishan 1deedii 2012 ka ku geeriyooday dalka Norway. Waxaanu Illahay uga baryeynaa in Jannada kuwa gala ku daro. Aamiin     Aamiin       Aamiin.

Tacsi

Chief Protocol-ka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi) Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ummadda reer Somaliland oo dhan meel kasta oo ay joogaan xaskiisii, Caruurtiisi iyo qaraabadiisi geerida naxdinta leh ee k u timid Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ku geeriyooday Magaalada Oslo ee wadanka Norway.

ILLAAHAY Samir iyo Iimaan ha innga siiyo isagana naxariistii janno ha ka waraabiyo Amin Amiin Amiin .

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *