Madaxweynaha JSL. Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu tacsi u dirayaa Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu ka tacsi-yadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid Adeerkii MARXUUM AADAN ISMAACIIL SHIRE oo ku
geeriyooday 27/05/2011 Wadanka Jabuuti.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi-dan mid la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu Ka Baxay MARXUUM AADAN ISMAACIIL SHIRE.
Madaxwaynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabdii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuunku uu samir iyo iiman ka siiyo.
IN-NAA ILLAAHI WA IN-NAA ILLAAHI RAAJUCUUN
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Sidoo kale Tafaftiraha shebekada Araweelonews Carraale M. Jama waxay tacsi u dirayaan Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyagoo ka tacsi-yadaynaya Geerida Naxdinta leh ee ku timid Adeerkii MARXUUM AADAN ISMAACIIL SHIRE oo ku geeriyooday 27/05/2011 Wadanka Jabuuti. Waxayna Illaahay uga baryayaan Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabdii iyo Asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iiman ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin
IN-NAA ILLAAHI WA IN-NAA ILLAAHI RAAJUCUUN