Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali , waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum MAXAMED SAQADHI DUBAD oo shalay ku
geeriyooday Imaaraadka Carabta.
Guddoomiyuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
Aamiin Aamiin
Sidoo kale Shebekadda Araweelonews, waxay tacsi taa la mid ah u diraysaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum MAXAMED SAQADHI DUBAD oo shalay ku geeriyooday Imaaraadka Carabta, isla markaana maanta lagu aasay halkaa. Waxayna Illaahay uga baryayaan Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.