Berbera(ANN) Alle ha u naxariistee laba qof ayaa ku geeriyooday laba kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii maanta galinkii hore gaadhi ay wateen uu kula qalibmay agagaarka Tuulada Qariib-dila oo ku taala jidka u dhaxeeya Magaalada Berbara ee Gobolka Saaxil iyo

Magaalada Burco ee caasimada Gobolka Tog-dheer.
 
Shilkan naxdinta leh oo uu sababay gaadhi noociisu ahaa Land-Cruiser, ayaa waxa ku geeriyooday Alle u naxariisee xaaskii Ganacsade Mustafe Indho-deero Marxuumad Deeqa Ducaale Cartan (Deeqa Shiino) iyo Hooyadeed Canab Cali Warsame, waxaana dhaawac ka soo gaadhay Cabdi Ducaale Cartan iyo darawalkii gaadhiga waday oo magaciisu yahay Naasir Saxardiid.
 
Gaadhigan shilkiisu dhimashada sababay ayaa waxa uu markii hore ka yimi dhanka Magaalada Burco, waxaana uu ku soo socday Magaalada Berbera oo marxuumada Deeqa Ducaale Cartan iyo Hooyadeed Marxuumad Canab Cali Warsame iyo walaalkood oo ku dhaawacmay Shilkaasi Cabdi Ducaale. Dadka ayaa waqtigaa doonayay inay  ka dhoofayaan Airport-ka Magaalada Berbera, iyaga oo sida la sheegay u sii jeeday  safar  dalka Malaysia oo ay markii hore ka yimaadeen.
Shebekada wararka ee Araweelonews waxay ka tacsiyadaynaysaa geeridaa naxdinta leh ee ku timi ganacsade Mustafe Xaaji Cabdi Cawed (Mustafe Indha deero) oo xaaskiisii iyo Hooyadeed ku geeriyoodeen shilkaa. Waxaana Illaahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo  amrxuumadahaa, isagana iyo qoyskoodiina samir iyo Iimaan ka siiyo Aaamiin Aaamiin Aaamiin Inaa Lilaaah wa Inaa ilayhu raajiciin. 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *