Madaxweyne Xigeenka Somaliland

Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u Dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Reer Somaliland iyo Weliba Shacbiga Reer Jabuuti-ba isaga oo ka Tacsiyadaynaya Geerida ku timid MARXUUM XAAJI CISMAAN GEELLE ARAB  oo ahaa Ganacsatada waa weyn ee Reer Somaliland iyo kuwa Reer Jabuuti-ba oo maanta ku geeriyooday Wadanka Jamhuuriyada Jabuuti, MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa Ganacsatada Hal-doorka ah ee Somaliland iyo Weliba Jabuuti.

MARXUUMKA oo lagu Aasi doono  Dalka Jabuuti, Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, waxa uu MARXUUMKA ALLE uga baryayaa in uu Naxariistii Janno ka Waraabiyo Qoyskii, Ehelkii, iyo  Dhamaan Shacbigii  uu ka baxayna uu samar iyo Iimaanka siiyo.

INAA ILLAAHI WA INNAA ILLAAHI RAAJUCUUN

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *