Madaxweyne Xigeenka Somaliland
Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u Dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Reer Somaliland iyo Weliba Shacbiga Reer Jabuuti-ba isaga oo ka Tacsiyadaynaya Geerida ku timid MARXUUM XAAJI CISMAAN GEELLE ARAB oo ahaa Ganacsatada waa weyn ee Reer Somaliland iyo kuwa Reer Jabuuti-ba oo maanta ku geeriyooday Wadanka Jamhuuriyada Jabuuti, MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa Ganacsatada Hal-doorka ah ee Somaliland iyo Weliba Jabuuti.
MARXUUMKA oo lagu Aasi doono Dalka Jabuuti, Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, waxa uu MARXUUMKA ALLE uga baryayaa in uu Naxariistii Janno ka Waraabiyo Qoyskii, Ehelkii, iyo Dhamaan Shacbigii uu ka baxayna uu samar iyo Iimaanka siiyo.
INAA ILLAAHI WA INNAA ILLAAHI RAAJUCUUN
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.