Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Maamulka, Macalimiinta, Ardayda Jaamacadda

 

Hargeisa, Qoyskii, Qarabadii, Ehelkii, iyo  Shacbiga Reer Somaliland, iyo guud ahaanba bahda tacliinta sare oo uu Madaxweyuhu ka tacsiyadaynaayo Geerida naxdinta leh ee ku timid Gudoomiyihii Jaamacada Hargeisa PROF. MUUSE CABDI CILMI SAMATER oo ku geeriyooday Shil baabuur Maanta (11/07/2011).

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo,  Dhamaanna Maamulka, Macalimiinta, Ardayda Jaamacadda Hargeisa, Qoyskii, Qarabadii, Ehelkii, iyo  Shacbiga Reer Somaliland, iyo guud ahaanba bahda tacliinta sare-na uu samir iyo iimaan ka siiyo MARXUUMKA.

IN-NAA ILLAAHI WA IN-NAA ILLAAHI RAAJUCUUN

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Gnacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maaulaha SOMTEL, Siciid Maxamed Siciid, Maamulaha DBI, Dr. Mohamed Abdi Nour,  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Musa Cabdi Cilmi oo ahaaa Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, oo ku geeriyoodey 11 July ku geeriyoodey shil baabuur oo ka dhacay magaaalada Berbera. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Somaliland iyo bulshada aqoonta oo ay ugu horreeyaan ardayda, macallimiinta iyo hawlwadeennada Jaanacadda Hargeysa iyo jaamacadaha kaleba; marxuumkana Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.

TACSI GEERIDA PROF. MUUSE ABDI ELMI SAMATAR

Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, xaaska, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum Prof. Muse Abdi ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa maamulka iyo ardayda Jaamacadda Hargeysa ee uu Guddoomiyaha ka ahaa marxuumku.

Alle ha u naxariistee Prof Muse Abdi Emi Samatar, waxa gaadhi kula gadoomay dariiqa Berbera-Hargeysa, isagoo soo dhoweynaayey xaaska iyo caruurtiisa oo Yurub fasax uga yimid Isniintan 11/07/2011.
Prof. Muuse waxuu ahaa aqoonyahan u soo laabtay inuu aqooontiisa dalkiisa ku horumariyo, waxuuna wax weyn ka taray hagaajinta iyo horumarinta Jaamacadda Hargeysa maamul ahaan iyo tayo-aqooneedba.Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

TACSI GEERIDA PROF. MUUSE ABDI ELMI SAMATAR

Anigoo ah Tufaax Cali Halaas  waxan halkan tacsii uga diraya allaha raxma raxmiin Muuse Cabdi Cilmi Samatar waxan leyahay illahay naxariistii jano haka waraabiyo qoyskii, eheliyadii iyo qarabadii dhaaman shacab waynaha reer somalilandba samir iyo imaaaaaaaaan hanaga siiyo isagana janatul fardawusa haka warabiyo Aamiin Aamiin

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *