Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u Dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga

Reer Somaliland, waxa kale oo uu tacsidan mid la mida u dirayaa Chief of Protocol-ka Madaxtooyada JSL, isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku timid MARXUUM YUUSUF MUXUMED CIGAAL (DHEGA-CADE)  oo ahaa ku xigeenkii Xeer illaaliyaha Guud ee Maxkamada oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ILLAAHAY uga rajaynayaa inuu Jannadii Fardawsa ka waraabiyo intii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo 

INAA ILLAAHI WA INNAA ILLAAHI RAAJUCUUN

Sidoo kale Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u Dirayaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Xaaskiisa Marwo, Jamiila Cigge Mataan isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku timid MARXUUM CABDI-RASHIID CIGGE MATAAN oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale tacsiyadaynayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Reer Somaliland isaga oo ka Tacsiyadaynaya Geerida ku timid MARXUUM CABDI-RASHIID CIGE MATAAN, Marxuumka waxa uu EEBBE uga baryayaa in uu Jannadii fardawsa ka waraabiyo intii uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA ILLAAHI WA INNAA ILLAAHI RAAJUCUUN

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *