Tafaftiraha shebekadda Araweelonews, Maamulka iyo  Shaqaalaha oo ka tiiraanyaysan geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Ala hawnaxariistee Marxuum Ibraahin Maygaag Samatar  waxayna Tacsi u Dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland

 

ee uu ka baxay alla ha u naxariistee MARXUUM IBRAAHIM MAYGAAG SAMATAR oo ku geeriyooday Tokiyo ALLE Ha u naxariistee  MARXUUM Ibraahim Maygaag SAMATAR  waxa uu ahaa Aqoonyahan. Siyaasi iyo Halyey Taariikh ku lahaa Dalka iyo Halgankiiba.
Shebekadda Araweelonews waxay baahinaysaa Qoraalada Tacsiayaha Marxuumkaa oo ka mid ahaa halyeyadii usoo halgamay Shacbiga Somaliland, isla markaana ahaa Aqoonayahadii Soomaaliyeed. Sidaa awgeed qoraalada tacsida iyo kuwa ka hadlaya Taariikh nololeedkiisii waxaanu balanqaadaynaa inaanu ku baahino bogan, kuna soo hagaaji E-mail info@araweelonews.com, ama Jaamac132@gamil.com

ILLAAHAYNA waxan uga Baryahaa inuu Qabrigiisa u nuuro Naxariistii Janno ka waraabiyo.” ILLAAHAYNA waxan uga Baryahaa inuu Qabrigiisa u nuuro Naxariistii Janno ka waraabiyo.”

Illahay ha u naxariisto Ibrahim Maygaag Samatar Wuxu aha nin Halyey u ah qarinimida Somaliland aad na looga naxay casimida Somaliland ee hargeysa saaka marki waagu no baryey. Baryahanba waxa la hadalhay imitaankiisa u imanayo hargeysa mantana inu isago mootan diyaarad u ku yimaado aad ba looga naxay. Illahay ha u naxariisto marxuunka samar iyo imaana ka siiyo ehelki iyo shacbiga Somaliland-ba ILLAAHAYNA waxan uga Baryahaa inuu Qabrigiisa u nuuro Naxariistii Janno ka waraabiyo
Amin Maxamud Dheere
Hargeisa, Somaliland

 

TACSI

Aniga oo ku hadlaya magaca xafiiska Somaliland ee waddanka Maraykanka iyo Jaalliyada Somaliland ee degan dhamaan waddanka Maraykanka; waxa aan halkan tacsi uga diraynaa Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Guud ahaanba Shicibka reer Somaliland ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee marxuum Muj. Ibrahim Maygaag Samater, oo ku geeriyooday magaalada Tokyo (Japan), waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumka qabriga u nuuro oo uu naxariistiisana janno ka waraabiyo. Dhamaan Shicibka Somaliland iyo gaar ahaan qoykii reer Maygaag Samater-na; illaahay samir iyo iimaan ha siiyo.

Rashid Nur,
Wakiilka Somaliland (USA)

Somaliland Mission.

Address: 1776 I Street, NW, Suite 900

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *