Alle ha u Naxariistee waxa Saaka ku geeriyooday magaalada Hargeysa Xaaji Cali Bootaan Cabdi, Marxuumka oo ayaa xaaladiisa caafimaad liidatay waxaana la dhigay Cusbitaalka Edna oo uu ku geeriyooday.
Alleh Ha u naxariistee marxuum Xaaji Cali Bootaan, wuxuu ahaa Odayaasha Waaweyn ee Reer Somaliland, isagoo ka mid ahaa Ganacsatada ugu waaweyn Dhulka Soomalida ee inta badan la yaqaanay, isla markaana wuxuu ahaa Oday qaradin iyo xishmad Bulshada dhexdeeda ku lahaa, wuxuuna marxuumku ahaa odayaashii doorka lama ilaawaanka ah kasoo qaatay Nabadayntii Beelaha Somaliland, taas oo aasaas u ahayd dhismaha qaranimada Somaliland. Marxuumka ayaa waxaa maanta lagu aasay Xabaalaha Masalaha ee magaalada Hargaysa, waxaana aaskiisa ka qayb galay boqolaal qof oo qaybaha kala duwan ee Bulshada, masuuliyiin ka socotay xukuumada, xidhibaano iyo dad kale.
Maamulka Shebekada wararka ee araweelonews waxay tacsi u dirayaan qoyskii qaraabadii iyo umada Somaliland geeridaa naxdinta leh, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo isagana janadii fardawsa Illaahay ka waraabiyo Inaa lilaah wa inaa ilayhu raajiciin.